hadba si aan dadka usoo jiido, waxaan cinwaanka mawduucaan kusoo qorey hadal english ah, taa na waxay ilay tahay in ey cadahay yacni in afka soomaaliga uusan dadka qiimo ku lahayn agtooda. Somalinet walow uusan dadka soomaalideena ahaa metelaynin,. afkaarta iyo waxyaabaha laga niqaasho meshaan waa u dhigantaa waxa haya bulshaweynteena. misana waxaa caadada noqotay in layskaba hilmaamo xushmaynta dhaqanka iyo hidada. inkastoo lagu wada noolyahay dalal shisheeye, marnaba ma fiicno in la bahdilo luuqadeeni oo aan jiilka dambe mustaqbalkooda ku dheelno. hadaad u eegtaan umadaha kale ee nala degta, sida carabta ama hindida ama turkishka iwm, badankooda wey isdhowraan, balse anagu qofka ciideeni ka yimi waaba xaqirnaa oo faarax ama xaliimo baan ugu yeedhnaa..oo qofkaas waxaa islamarkiiba ku dhacaya cuqdad ama murugsanaan, si dambena waxaad arkaysaa isagoo hawada iska raacay oo soomaalinimada ka go'day waayo dadkiisaa niyada ka jabiyeen. akhyaaray bal aan runta isku sheegno, hadaad dhegaysataan cajaladaan ee laga soo duubey duqooshin soomaali ah oo noqon kara awoowyaal sokeeye, oo nus qarni iyo bar keliya laga joogo, imisa walxood baad ka fahamsantahay?
viewtopic.php?f=18&t=309611
si tiiraanyo leh baan ugu xumahay inaan ku liito dhegaysiga laftarkeyga waayo afsoomaaligii la dayacay baa meeshaan i keentey. marka adba laftaa hadaadan ku qanacsanayn waxaad afsoomaaligaas ka garatay, hadaba hakuu bilaabanto barashada luuqadeeni, walow si aayar ah ha ahaatee. waxaa u fiican qofka heer tamhiidi ah maraya inuu dhagaysto muxaadarooyinka ama masraxiyada ama xataa wararka kanaalada soomaalida ama raadiyaha sida bbc hornafrik iwm. kadibna usii gudbo akhrinta iyo qoraalka sida qisooyinka, sheekooyinka murtida leh iwm. websitekaan waa qaamuus soomaali ah oo fasiraya eray kastoo soomaali ah ee aad kusoo qortid marka ka faaideysta,
http://www.afmaal.com/dictionary/
akhyaarey ma rabi inaan ku dheereeyo arintaan oo waa iska waadix, balse waxaan idinka codsanahaya inaad u ololaysaan hadafkaan cusub, si aanu u kordhino haybadeena iyo sumcadeena wanaagsan. xataa kama wadi in suugaan lasoo saaro oo dadkoo dhan abwaaniin wada noqdaan (kii ku noqdana waqtigaan casriga waaba xariife) ee waxaanse ka wadaa afka soomaaliga kudadaalkiisa haloo hogaansamo, haba ku ahaate sheekooyin iska caadi ah sida wixii khuseeya diinta, siyaasada, isboortiga, qabyaalada (qabyaalad marnaba ma fiicna laakin waxaa kasii daran dad aana luuqadii aqoon oo qaabdaraynaya soomaalinimadii) iwm. aan ku dayno asxaabta snet ee ku xeeldheer ku hadalka afsoomaaliga sida maandhow, salool, sahangalbeed (laga reebo murankiisa cantarabaqashka aha
), lamagoodle, twist, talo Alle udaa iyo kuwa magacyadooda iga maqan oo afsoomaaliga la mayracaan.
bacda maa kuli shay, shaydaanka dhufeyskiisa iyo boholkii xumaanta aan iska ilaalinoo, waa walaalkiina abakar20. nabadgelyo iyo ramadaan mubaarak