Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Somaliman50 » Mon Jul 16, 2012 10:12 pm

hadba si aan dadka usoo jiido, waxaan cinwaanka mawduucaan kusoo qorey hadal english ah, taa na waxay ilay tahay in ey cadahay yacni in afka soomaaliga uusan dadka qiimo ku lahayn agtooda. Somalinet walow uusan dadka soomaalideena ahaa metelaynin,. afkaarta iyo waxyaabaha laga niqaasho meshaan waa u dhigantaa waxa haya bulshaweynteena. misana waxaa caadada noqotay in layskaba hilmaamo xushmaynta dhaqanka iyo hidada. inkastoo lagu wada noolyahay dalal shisheeye, marnaba ma fiicno in la bahdilo luuqadeeni oo aan jiilka dambe mustaqbalkooda ku dheelno. hadaad u eegtaan umadaha kale ee nala degta, sida carabta ama hindida ama turkishka iwm, badankooda wey isdhowraan, balse anagu qofka ciideeni ka yimi waaba xaqirnaa oo faarax ama xaliimo baan ugu yeedhnaa..oo qofkaas waxaa islamarkiiba ku dhacaya cuqdad ama murugsanaan, si dambena waxaad arkaysaa isagoo hawada iska raacay oo soomaalinimada ka go'day waayo dadkiisaa niyada ka jabiyeen. akhyaaray bal aan runta isku sheegno, hadaad dhegaysataan cajaladaan ee laga soo duubey duqooshin soomaali ah oo noqon kara awoowyaal sokeeye, oo nus qarni iyo bar keliya laga joogo, imisa walxood baad ka fahamsantahay?

viewtopic.php?f=18&t=309611

si tiiraanyo leh baan ugu xumahay inaan ku liito dhegaysiga laftarkeyga waayo afsoomaaligii la dayacay baa meeshaan i keentey. marka adba laftaa hadaadan ku qanacsanayn waxaad afsoomaaligaas ka garatay, hadaba hakuu bilaabanto barashada luuqadeeni, walow si aayar ah ha ahaatee. waxaa u fiican qofka heer tamhiidi ah maraya inuu dhagaysto muxaadarooyinka ama masraxiyada ama xataa wararka kanaalada soomaalida ama raadiyaha sida bbc hornafrik iwm. kadibna usii gudbo akhrinta iyo qoraalka sida qisooyinka, sheekooyinka murtida leh iwm. websitekaan waa qaamuus soomaali ah oo fasiraya eray kastoo soomaali ah ee aad kusoo qortid marka ka faaideysta,

http://www.afmaal.com/dictionary/

akhyaarey ma rabi inaan ku dheereeyo arintaan oo waa iska waadix, balse waxaan idinka codsanahaya inaad u ololaysaan hadafkaan cusub, si aanu u kordhino haybadeena iyo sumcadeena wanaagsan. xataa kama wadi in suugaan lasoo saaro oo dadkoo dhan abwaaniin wada noqdaan (kii ku noqdana waqtigaan casriga waaba xariife) ee waxaanse ka wadaa afka soomaaliga kudadaalkiisa haloo hogaansamo, haba ku ahaate sheekooyin iska caadi ah sida wixii khuseeya diinta, siyaasada, isboortiga, qabyaalada (qabyaalad marnaba ma fiicna laakin waxaa kasii daran dad aana luuqadii aqoon oo qaabdaraynaya soomaalinimadii) iwm. aan ku dayno asxaabta snet ee ku xeeldheer ku hadalka afsoomaaliga sida maandhow, salool, sahangalbeed (laga reebo murankiisa cantarabaqashka aha :lol:), lamagoodle, twist, talo Alle udaa iyo kuwa magacyadooda iga maqan oo afsoomaaliga la mayracaan.

bacda maa kuli shay, shaydaanka dhufeyskiisa iyo boholkii xumaanta aan iska ilaalinoo, waa walaalkiina abakar20. nabadgelyo iyo ramadaan mubaarak :up:

User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby nomadicwarlord » Mon Jul 16, 2012 10:25 pm

Saaxibkay, waan kusalaamay.

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30666
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby grandpakhalif » Mon Jul 16, 2012 10:39 pm

Abakar,

Sxb waad saxsantahay, imisa jeer ban dadka uu sheega, Af somali wa luuqada dalka iyo afka hooyo , si kastaba waalidka oo qurbajoogta ku koraya ciyaal badan af ingiriis bay ciyaalka ula hadlayaan. Markaas ciyaalki af somali garan weeye.

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 18630
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby FarhanYare » Mon Jul 16, 2012 10:42 pm

dhalin yaro ku dadaala afsomaliga :clap: :up:

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Somaliman50 » Mon Jul 16, 2012 10:51 pm

nomadicwarlord, saaxibkayga wacnaa, salaanta waan kaa qaaday, soo dhawoow, gogolka waan kuu fidiyey. wixii maanta ka dambeeya adigoo afsoomaali ku hadlaya kaliya hala arko :lol: :up:

granpda, dhaxalkeedi waa anaga dee :lol: juhdi badan looma bixinin inaynu ku hadalno afsoomaaliga, dad nagu riixa haba yaraadeene, aan isgarabsano :up:

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Rightwing » Mon Jul 16, 2012 10:52 pm

Abokor, saaxiib show dhaqan-yahan ayaad tahay! Qoodhay iyo xeraday raggii loo baahnaa ee markay murugto la odhan jiray yaa MAALI JIRAYEEY ayaad ka joogtaa.

Ramadaan kariim sxb.


le justicier
rw

Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Maandhow » Mon Jul 16, 2012 10:54 pm

Abaa abakar aniga afsoomaaligaygu waa kii ciyaalka xaafada lee, ee weli kii Lamagoodle , Twist, sahangalbeed iyo Ina Warfaa ma gaarin. Hase yeeshee waan kugu raacsanahay in luuqadeena dib loo soonooleeyo waayo واختلاف ألسنتكم kula duwanaashaha luuqaddaha iyo midabkeena waa astaamo Rabaani ah. Marka waa in kor in loo qaado weeye dee :mrgreen:

User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby nomadicwarlord » Mon Jul 16, 2012 10:55 pm

Abakar20 - Ariintaan wa ariin o ghaali aah, inshallah luuqaada Hooyo baanu barandoona...

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Rightwing » Mon Jul 16, 2012 10:59 pm

Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii

Oon guudka laaniyo
Millilicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduutiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan

Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Ina godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin

Oon xididka garani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu’la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin

Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garanug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin

Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabadh
Mase garanayee talo!!!

Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?

Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereya googo’an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?

Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiiri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin

Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan

Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go’ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa

Gacma furan dhankaygee
Daallo geedeheedii
Gani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Kuu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Addiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ga GODLADEY ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin…..
waxaa kuu diyaariyey

Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Maandhow » Mon Jul 16, 2012 11:04 pm

Walle Rightwing inaba caadi ma aha. Tallow ma imakaad aliftay sidii Java2?

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby The`Republic » Mon Jul 16, 2012 11:08 pm

Thanks brother Abakar :up:

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Somaliman50 » Mon Jul 16, 2012 11:30 pm

maandhow, waxba hanoo qarinin ninyahow, ciyaalka xaafada waxaa sheegta kuwa isdhalinyaraynaya, inaad duqowdii mowlacyada joogta ee madaxa rogroga la tirsan jirtey baan ognahay e :lol:

rightwing, xaaji, oo kaalay, farshaxan caadi ah baad ahayd sowmaha, ma ruwaayado baad aliftaa? :lol: ninyahow meesha wacdaro baad ka geysatay wallaahi, guurowgaas oo kale wuxuu mutaystaa kiilo dahab ah, laakin xoogaa waa nagu yara badisay, dadku yeesan afsoomaaliga ka quusan dee :lol: mar waxaan isiri amuu kaa carooday inaadan magaciisa kusoo darin ragga afsoomaaliga aan ku buunbuuniyaayey, si ula kacna uu meesha xasuuq ka wado ba :lol: laakin kasii wad meeshaad sxb, aan baan u xiisay guurowgaas.

nomadicwarlord, kuligeena walaalkiis, inshallah.

jaale jamhuuriya, sxbow adiga ayaa mudan. waan jeclaan lahaa inaan kugu soo jawaabo codka oo mahadnaqdii aan oofiyo balse mar haboon inshallah, kolayba waxaan kugu tiriyaa ragga meeshaan wax naga caawin lahaa oo masaakiinta af soomaaliga baran la'yihiin la taakuleeyo. waa in barnaamij la hirgeliyo sida aan wax uga qaban lahayn, mar waan kula soconaya arintaani. :up:

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Rightwing » Mon Jul 16, 2012 11:38 pm

Maya, sxb waan yara qiirooday waayo waxaan soo xusuustay 1998 ilaa 2002 90% forumkan waxaa lagu qori jiray Af-somali. Yacnii waxaan soo xusuustay waayo waayo iyo beri samaadkii dee :lol: forumkan wuxuu ahaa shukaansi.com iyo heeso :lol: .
Takale heestan aan soo dhigay meesha waxaa ku luqeeya xassan Adan waana erayadii Yam-Yam allah ha u naxariistee.

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Somaliman50 » Mon Jul 16, 2012 11:48 pm

haye, oo barwaaqadii waa hore tiile baad dhuuxdey miyaa :lol: sxb xataa shukaansi iyo malayacni ha noqdee, waxa meesha loo ictibaaranaya waa soomaaligii laga faaideystey. ta kale, ma guurowgii baa hees aha i leedahay? :lol: oo waxaan isku hayayba inaan laghbeeyo oo macnaha ka gurto adna hees weeye baa i leedahay, jac.com :lol:

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: My Snet pledge; To only communicate in Somali...

Postby Rightwing » Tue Jul 17, 2012 12:04 am

haye, oo barwaaqadii waa hore tiile baad dhuuxdey miyaa :lol: sxb xataa shukaansi iyo malayacni ha noqdee, waxa meesha loo ictibaaranaya waa soomaaligii laga faaideystey. ta kale, ma guurowgii baa hees aha i leedahay? :lol: oo waxaan isku hayayba inaan laghbeeyo oo macnaha ka gurto adna hees weeye baa i leedahay, jac.com :lol:

Sxb halkan ka dhegeyso heesta lafteedii GUULEED MA JOOGAA http://www.cunaabi.com/albums.php?catid ... &list=Yes#
Takale waa runtaa ee aan meesha u bedelo Afsoomali si ciyaalkuna inooga bartaan afkii hooyo. :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 45 guests