Sanad kadib markii Al-Shabaab faarujiyeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii Al-Shabaab ay isaga baxeen qeybihii ballaarnaa ee ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho, iyagoo bedelay xeeladii dagaalka ee fool ka foolka ahaa iyo aagagii ay isku hor fadhiyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Dad badan oo odorasa Arrimaha milateriga ayaa sheegaya in ka bixitaanka Shabaab ee goobihii Muqdisho difaacyada ku lahaayeen ay keentay marnaan xaga awooda ah, markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay bilaabeen inay dagaalo qorsheysan ku qaadaan goobihii ay ku sugnaayeen.
Qaban qaabo ku aadan banaan bax lagu taageerayo ka bixitaanka Shabaab ee inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka socota Garoonka Stadium Conis, halkaasoo ay ku qul qulayaan boqolaal dadweyne ah.
Boqolaalka dadweyne ee ku qul qulaya Garoonka oo ka socda degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sita hidiyaha iyo dhaqanka iyo Calanka, iyadoo ammaanka uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu ka soo qeyb galo banaan baxa, iyadoo mar uu shalay Wariyeyaasha la hadlay kadib markii Muqdisho ku soo laabtay uu sheegay inay haboon tahay in la weyneeyo 6-da Agoosto.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa horay u iclaamiyay in 6-da Agoosto ay tahay Maalinta Xornimada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ka bixitaanka Shabaab ee inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa bilow u aheyd inay waayaan deegaano badan oo ku yaal Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, inkastoo wali deegaano qaar ku sugan yihiin.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo markii hore qaati ka taagnaa weerarada lagu soo qaadayay Madaxtooyada iyo Jidka Maka Al-Mukarama ayaa hada ku guuleystay inay qabsadaan degmooyinka deriska la ahaa magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa dhamaadkii sanadkii hore ku furmay aagag dagaal oo dhowr ah, markii Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay gudaha u soo galeen, isla markaana la wareegeen magaalooyin muhiim ahaa.





