Shirkadii ka qodaysay shidaalka Puntland ayaa sheegtay inay ka heshay biyo iyo ciid oo qura labadii ceel ee ay qodaysay
Shirkadda sahamisa shidaalka ee Horn Petroleum ee dalka Canada ayaa sheegtay in ay kala kulantay ceelashii ay ka qodeysay deegaano kamid ah Puntland biyo iyo carro oo kaliya.
Shirkadan oo bilowgii sanadkan ka bilowday qoditaanka ceelal shidaal ayaa ahayd shirkadii ugu horeysey oo sahamin noocaan oo kale ah ka samaysa dalka Soomaaliya in kabadan labaatan sano.
Ceelka ay qodaysay shirkadan fadhigeedu yahay Canada oo lagu magacaabo Shabeel North-1 ayaa la qoday illaa iyo 3,945 metres haddana ceelka la xanibay sida ay ka soo xigatay shirkada Horn wakaalada wararka ee Reuters.
Shirkadan ayaa ku macneysay sababaha loo joojiyey qodidii shidaalka inay tahay markii ay weydey wax calaamado ah oo muujinaya in shidaal ama gaas uu ku jiro ceelkaa.
Shirkada ayaa sidoo kale sheegtay in ceelka kale ee ay qodeysey ee Shabeel 1 in uu isaguna noqday mid qallalan sidaa dartedna joojisey isagana howlihiisii.
Madaxa shirkadan Keith Hill oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in ay ka heli waayeen shidaal deegaanka Puntland ee Soomaaliya.
Sahamintii ugu horeysey ee ay shirkadan ka samaysay deegaanka Dharoor ayaa waxa ay ku sheegtay in malaayiin fuusto shidaal ah ay hoos ceegaagaan deegaankaas taasoo ay aad ugu farxeen maamulka Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo idil.
Illss iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan warkan ka soo yeeray shirkadii howlaha sahaminta shidaalka ka waday deegaanka Dharoor.