Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxadir

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxadir

Postby Somaliman50 » Sat Sep 08, 2012 5:42 pm

Majirto gabar jecel in uu noqdo gacaliyaheeda mid naago badan ama shukaansi badan uu xiriir la yeeshto wax iyada dhaafsiisan, waxaa jiro gabdho badan aan ku baraarugsaneen in qofka ay xiriirka la leeyihiin in uu yahay palyboy, qoraaga Daalac Daahir Shoot wuxuu idiin soo gubniya astaamaha ugu fudud ee lagu garto qofka playboyga.

1. Isaga oo ku soo waca xiliyada 11:00 PM iyo 12:AM: wicida saqda dhexe waa mid kamid ah astaamaha ugu waa wayn ee lagu garto in gacaliyahaga uu yahay mid Playboy ah, maalinkii ayaa ka kooban 24 saac, waxaa su’aal ah saacadaha kale muxuu kuu soo wacan waayay waayo waxaa jiro waqtiyo ka fiican oo qofka la soo waco, xiliyadaan camal qofka wax soo waca waa qof in uu kutuso raba in uu kuu muujiyo bas in uu xiriirkii wali jiro, waxaana jiro dad uu wacdo xiliyada kale.

2. Gbadho Badan ayuu saaxiib la yahay: astaamaha labaad ee lagu garto qofka playboyga ah ayaa ah in asxaabtiisa ugu badan ay noqdaan gabdho, aqoonta uu uleeyahay wiilasha ay iska tahay mid aan sidaas u badneen, gabdhaha badan uu yaqaao lagama wayn doono mid uu si gaar iyo si dadban xiriir uleeyihiin, inta badan lahadalka dhanka teleefoonka waxaa ku badan in uu wacdo gabdhaha, wiilka gabdhaha badan ayaa ku andacooda inta badan in aysan jirin wax dhaafsiisan saaxiibtinimo, wuxuu ku qanciyaa qof kasta uu xiriir la leeyahay in gabar hebel ay tahay walaashiisa oo kale.

3. Hadal Macaani: astaamaha lagu garto qofka playboy ga waa hadal macaanida, wuxuu bartay qaabka loola hadlo gabdhaha, waa nin ay usahlantahay in uu markasta ku dajiyo, xitaa adiga oo xanaaqsan ayuu kaa dhigayaa qof farxad badan waayo way usahlantahay sida loo dajiyo qof dumar careesan wuxuu heestaa qibrad ku filan sida loo dajiyo gabdhaha, hadii aad aragto astaamahaan ogow waa mid kamid ah wiilasha playboy.

4. Isaga oo ka hadla jirkaaga: wuxuu aad u amanaa quruxdaada, wuxuu ka sheekeeya hab dhismeedka jirkaaga, kama caajiso in uu ka sheekeeyo jirkaaga, meel kasta oo kamid ah jirkaaga wuxuu siiyaa amaan adiga ku qanciso oo qalbigaaga dhalan rogta, taas oo marka danbe sababta damac ka baxshan shareecada islaamka.

5. Isaga oo diida in aad meel isku wada raacdaan: wuxuu aad uga taxadaraa in aad isku lug darsataan ama aad meel kuwada kulantaan wuxuu diidayaa in laguugu arko kadib lagu war galiyo gabdhaha kale ee uu xiriirka kala dhexeeyo, inta badan wuxuu muujiyaa caga jiid iyo wahsi markii ay noqoto in la is raaco.

6. Isaga oo jila daacadnimo: qofka playboyga waa qof ay kabadatay kalsoonida, noloshaada dhan wuxuu ka saaraa cabsida iyo shakikaga, wuxuu ku tusiyaa kalsooni aan laheen wiilasha kale, markasta wuxuu kuugu soo galaa qaab aqiyaarnimo ku jirto wuxuu isku dayaa in uu dabcigiisa uu yahay mid dagan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia

DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby DayaxJeclee » Sat Sep 08, 2012 5:50 pm

Base waaye haddii uu socdo 11-12:00 habeenka, beebeen uu wadaa miyaa. :lol: :lol: Haddii uu shaqada markaas soo dhameeyey ma la cafinaayo dheh :?

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby Somaliman50 » Sat Sep 08, 2012 5:56 pm

kii habeen soo wactama khadka ka xir :lol: waa qof aan abaal lahayn

User avatar
Oba
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1336
Joined: Mon Feb 20, 2012 11:27 pm
Location: Spokesman for HAG

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby Oba » Sat Sep 08, 2012 6:00 pm

Abakar see cml ninyahow ragga sirtoodo lama sheego, suuqa ha naga xirine :twisted:

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby TheblueNwhite » Sat Sep 08, 2012 6:28 pm

Abakar, walaalkiis maxaa waaye waxaan aad noogu soo dhejisey meeshaan? sidee wax u jiraan niyow? :evil:

Fiiri wax yar aan mucaarado ninkaan dumarka iska dhisaaya oo rabo inuu been ka gado hablaha dano gaar ah uu leeyahay daradeed. War waxaan soo xasuustey filimkii think like a man, Steve Harvey ayuu is moodey xarfaankaan. Bal wax yar aan ka hadlo qodobada uu soo bandhigey.
1. Isaga oo ku soo waca xiliyada 11:00 PM iyo 12:AM: wicida saqda dhexe waa mid kamid ah astaamaha ugu waa wayn ee lagu garto in gacaliyahaga uu yahay mid Playboy ah, maalinkii ayaa ka kooban 24 saac, waxaa su’aal ah saacadaha kale muxuu kuu soo wacan waayay waayo waxaa jiro waqtiyo ka fiican oo qofka la soo waco, xiliyadaan camal qofka wax soo waca waa qof in uu kutuso raba in uu kuu muujiyo bas in uu xiriirkii wali jiro, waxaana jiro dad uu wacdo xiliyada kale.
Been. Rag habeenkii 9PM, 10PM iyo kadib shaqo kasoo rawaxo ayaa jira. Raga maqaayadaha ka shaqeeya ayaa tusaale ka dhiganaa hadaad ku qanceyso. Marka uu shaqada ka soo baxo oo uu gurigiisa yimaado, reerkiisa waco oo wareysto, kadib uu waco inanta uu ku hayo playboy nimo miyaa? naga tag nasiib ayey leedahay haduuba waco bacda shaqo.

2. Nin hablo badan saaxiib la ah waaba fruity. Marka playboy ayaaba la qaatey. :lol:
3. Hadal Macaani: astaamaha lagu garto qofka playboy ga waa hadal macaanida, wuxuu bartay qaabka loola hadlo gabdhaha, waa nin ay usahlantahay in uu markasta ku dajiyo, xitaa adiga oo xanaaqsan ayuu kaa dhigayaa qof farxad badan waayo way usahlantahay sida loo dajiyo qof dumar careesan wuxuu heestaa qibrad ku filan sida loo dajiyo gabdhaha, hadii aad aragto astaamahaan ogow waa mid kamid ah wiilasha playboy.
Been. Ninka raga haduu leeyahay dabeecad wanaagsan oo u hadal macaan yahay ma playboy baa? aabahiis, wiilasha ka waaweyn, adeero iyo abtiyaal soo kama baran karo habka dumarka loo qanciyo ama loola macaamilo? soo ma dhici karto inuu guursadey mid hore oo uu cashar ka bartey taa? ninkan waa qashin beenaale ah man.

4. Been. Jirkeeda hadaan amaano playboy miyaan noqon?. Hadaan jirkeeda ka hadlin wey ba is waalee ma oga miyaa beenloowgaan. War kan weligiis gabar ma shukaansan. :lol:


5. Mid buu qabaa markaas, playboy ma aha. :down:

6. Been. Kalsooni hadeysan kaa helin tooshey kugu shidanee. Kan waa virgin.

Abakar :down:

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby sahal80 » Sat Sep 08, 2012 7:00 pm




4. Isaga oo ka hadla jirkaaga: wuxuu aad u amanaa quruxdaada, wuxuu ka sheekeeya hab dhismeedka jirkaaga, kama caajiso in uu ka sheekeeyo jirkaaga, meel kasta oo kamid ah jirkaaga wuxuu siiyaa amaan adiga ku qanciso oo qalbigaaga dhalan rogta, taas oo marka danbe sababta damac ka baxshan shareecada islaamka.

5. Isaga oo diida in aad meel isku wada raacdaan: wuxuu aad uga taxadaraa in aad isku lug darsataan ama aad meel kuwada kulantaan wuxuu diidayaa in laguugu arko kadib lagu war galiyo gabdhaha kale ee uu xiriirka kala dhexeeyo, inta badan wuxuu muujiyaa caga jiid iyo wahsi markii ay noqoto in la is raaco.

6. Isaga oo jila daacadnimo: qofka playboyga waa qof ay kabadatay kalsoonida, noloshaada dhan wuxuu ka saaraa cabsida iyo shakikaga, wuxuu ku tusiyaa kalsooni aan laheen wiilasha kale, markasta wuxuu kuugu soo galaa qaab aqiyaarnimo ku jirto wuxuu isku dayaa in uu dabcigiisa uu yahay mid dagan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
This is a big male secret, you shouldn't expose your male brothers :lol: :lol:

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby sahal80 » Sat Sep 08, 2012 8:13 pm

Abakar20

This precious advice is also good for the guys. as for me it depends on the girl also I don't say too much macaan words that is a kinda of villager but I say it when it fits like in you that what you like in me?
I think the guy should stay decent, it will backfire him and will lost the trust as having deen.

User avatar
SummerRain
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17320
Joined: Tue May 08, 2007 11:41 am

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby SummerRain » Sat Sep 08, 2012 9:27 pm

OMG why do you have to write in Somali..arrghhhh

User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby Twist » Sun Sep 09, 2012 4:49 am

Apart from # 5 (and # 2, which is not a manly trait to have that many female friends in the first place), I don't see anything wrong with the rest of the list.

Abakar, your friend, Daalac Shoot, needs to step up his game & stop this fruitless calaacal. :mrgreen:

DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Postby DayaxJeclee » Sun Sep 09, 2012 8:59 am

kii habeen soo wactama khadka ka xir :lol: waa qof aan abaal lahayn
Base waaye, waa iskaan ilaalinaa ma'dama aa habeenkii dhafartid :lol: iska qulqul yaqaay


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 26 guests