Page 1 of 1

astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxadir

Posted: Sat Sep 08, 2012 5:42 pm
by Somaliman50
Majirto gabar jecel in uu noqdo gacaliyaheeda mid naago badan ama shukaansi badan uu xiriir la yeeshto wax iyada dhaafsiisan, waxaa jiro gabdho badan aan ku baraarugsaneen in qofka ay xiriirka la leeyihiin in uu yahay palyboy, qoraaga Daalac Daahir Shoot wuxuu idiin soo gubniya astaamaha ugu fudud ee lagu garto qofka playboyga.

1. Isaga oo ku soo waca xiliyada 11:00 PM iyo 12:AM: wicida saqda dhexe waa mid kamid ah astaamaha ugu waa wayn ee lagu garto in gacaliyahaga uu yahay mid Playboy ah, maalinkii ayaa ka kooban 24 saac, waxaa su’aal ah saacadaha kale muxuu kuu soo wacan waayay waayo waxaa jiro waqtiyo ka fiican oo qofka la soo waco, xiliyadaan camal qofka wax soo waca waa qof in uu kutuso raba in uu kuu muujiyo bas in uu xiriirkii wali jiro, waxaana jiro dad uu wacdo xiliyada kale.

2. Gbadho Badan ayuu saaxiib la yahay: astaamaha labaad ee lagu garto qofka playboyga ah ayaa ah in asxaabtiisa ugu badan ay noqdaan gabdho, aqoonta uu uleeyahay wiilasha ay iska tahay mid aan sidaas u badneen, gabdhaha badan uu yaqaao lagama wayn doono mid uu si gaar iyo si dadban xiriir uleeyihiin, inta badan lahadalka dhanka teleefoonka waxaa ku badan in uu wacdo gabdhaha, wiilka gabdhaha badan ayaa ku andacooda inta badan in aysan jirin wax dhaafsiisan saaxiibtinimo, wuxuu ku qanciyaa qof kasta uu xiriir la leeyahay in gabar hebel ay tahay walaashiisa oo kale.

3. Hadal Macaani: astaamaha lagu garto qofka playboy ga waa hadal macaanida, wuxuu bartay qaabka loola hadlo gabdhaha, waa nin ay usahlantahay in uu markasta ku dajiyo, xitaa adiga oo xanaaqsan ayuu kaa dhigayaa qof farxad badan waayo way usahlantahay sida loo dajiyo qof dumar careesan wuxuu heestaa qibrad ku filan sida loo dajiyo gabdhaha, hadii aad aragto astaamahaan ogow waa mid kamid ah wiilasha playboy.

4. Isaga oo ka hadla jirkaaga: wuxuu aad u amanaa quruxdaada, wuxuu ka sheekeeya hab dhismeedka jirkaaga, kama caajiso in uu ka sheekeeyo jirkaaga, meel kasta oo kamid ah jirkaaga wuxuu siiyaa amaan adiga ku qanciso oo qalbigaaga dhalan rogta, taas oo marka danbe sababta damac ka baxshan shareecada islaamka.

5. Isaga oo diida in aad meel isku wada raacdaan: wuxuu aad uga taxadaraa in aad isku lug darsataan ama aad meel kuwada kulantaan wuxuu diidayaa in laguugu arko kadib lagu war galiyo gabdhaha kale ee uu xiriirka kala dhexeeyo, inta badan wuxuu muujiyaa caga jiid iyo wahsi markii ay noqoto in la is raaco.

6. Isaga oo jila daacadnimo: qofka playboyga waa qof ay kabadatay kalsoonida, noloshaada dhan wuxuu ka saaraa cabsida iyo shakikaga, wuxuu ku tusiyaa kalsooni aan laheen wiilasha kale, markasta wuxuu kuugu soo galaa qaab aqiyaarnimo ku jirto wuxuu isku dayaa in uu dabcigiisa uu yahay mid dagan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 5:50 pm
by DayaxJeclee
Base waaye haddii uu socdo 11-12:00 habeenka, beebeen uu wadaa miyaa. :lol: :lol: Haddii uu shaqada markaas soo dhameeyey ma la cafinaayo dheh :?

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 5:56 pm
by Somaliman50
kii habeen soo wactama khadka ka xir :lol: waa qof aan abaal lahayn

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 6:00 pm
by Oba
Abakar see cml ninyahow ragga sirtoodo lama sheego, suuqa ha naga xirine :twisted:

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 6:28 pm
by TheblueNwhite
Abakar, walaalkiis maxaa waaye waxaan aad noogu soo dhejisey meeshaan? sidee wax u jiraan niyow? :evil:

Fiiri wax yar aan mucaarado ninkaan dumarka iska dhisaaya oo rabo inuu been ka gado hablaha dano gaar ah uu leeyahay daradeed. War waxaan soo xasuustey filimkii think like a man, Steve Harvey ayuu is moodey xarfaankaan. Bal wax yar aan ka hadlo qodobada uu soo bandhigey.
1. Isaga oo ku soo waca xiliyada 11:00 PM iyo 12:AM: wicida saqda dhexe waa mid kamid ah astaamaha ugu waa wayn ee lagu garto in gacaliyahaga uu yahay mid Playboy ah, maalinkii ayaa ka kooban 24 saac, waxaa su’aal ah saacadaha kale muxuu kuu soo wacan waayay waayo waxaa jiro waqtiyo ka fiican oo qofka la soo waco, xiliyadaan camal qofka wax soo waca waa qof in uu kutuso raba in uu kuu muujiyo bas in uu xiriirkii wali jiro, waxaana jiro dad uu wacdo xiliyada kale.
Been. Rag habeenkii 9PM, 10PM iyo kadib shaqo kasoo rawaxo ayaa jira. Raga maqaayadaha ka shaqeeya ayaa tusaale ka dhiganaa hadaad ku qanceyso. Marka uu shaqada ka soo baxo oo uu gurigiisa yimaado, reerkiisa waco oo wareysto, kadib uu waco inanta uu ku hayo playboy nimo miyaa? naga tag nasiib ayey leedahay haduuba waco bacda shaqo.

2. Nin hablo badan saaxiib la ah waaba fruity. Marka playboy ayaaba la qaatey. :lol:
3. Hadal Macaani: astaamaha lagu garto qofka playboy ga waa hadal macaanida, wuxuu bartay qaabka loola hadlo gabdhaha, waa nin ay usahlantahay in uu markasta ku dajiyo, xitaa adiga oo xanaaqsan ayuu kaa dhigayaa qof farxad badan waayo way usahlantahay sida loo dajiyo qof dumar careesan wuxuu heestaa qibrad ku filan sida loo dajiyo gabdhaha, hadii aad aragto astaamahaan ogow waa mid kamid ah wiilasha playboy.
Been. Ninka raga haduu leeyahay dabeecad wanaagsan oo u hadal macaan yahay ma playboy baa? aabahiis, wiilasha ka waaweyn, adeero iyo abtiyaal soo kama baran karo habka dumarka loo qanciyo ama loola macaamilo? soo ma dhici karto inuu guursadey mid hore oo uu cashar ka bartey taa? ninkan waa qashin beenaale ah man.

4. Been. Jirkeeda hadaan amaano playboy miyaan noqon?. Hadaan jirkeeda ka hadlin wey ba is waalee ma oga miyaa beenloowgaan. War kan weligiis gabar ma shukaansan. :lol:

5. Mid buu qabaa markaas, playboy ma aha. :down:

6. Been. Kalsooni hadeysan kaa helin tooshey kugu shidanee. Kan waa virgin.

Abakar :down:

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 7:00 pm
by sahal80

4. Isaga oo ka hadla jirkaaga: wuxuu aad u amanaa quruxdaada, wuxuu ka sheekeeya hab dhismeedka jirkaaga, kama caajiso in uu ka sheekeeyo jirkaaga, meel kasta oo kamid ah jirkaaga wuxuu siiyaa amaan adiga ku qanciso oo qalbigaaga dhalan rogta, taas oo marka danbe sababta damac ka baxshan shareecada islaamka.

5. Isaga oo diida in aad meel isku wada raacdaan: wuxuu aad uga taxadaraa in aad isku lug darsataan ama aad meel kuwada kulantaan wuxuu diidayaa in laguugu arko kadib lagu war galiyo gabdhaha kale ee uu xiriirka kala dhexeeyo, inta badan wuxuu muujiyaa caga jiid iyo wahsi markii ay noqoto in la is raaco.

6. Isaga oo jila daacadnimo: qofka playboyga waa qof ay kabadatay kalsoonida, noloshaada dhan wuxuu ka saaraa cabsida iyo shakikaga, wuxuu ku tusiyaa kalsooni aan laheen wiilasha kale, markasta wuxuu kuugu soo galaa qaab aqiyaarnimo ku jirto wuxuu isku dayaa in uu dabcigiisa uu yahay mid dagan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
This is a big male secret, you shouldn't expose your male brothers :lol: :lol:

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 8:13 pm
by sahal80
Abakar20

This precious advice is also good for the guys. as for me it depends on the girl also I don't say too much macaan words that is a kinda of villager but I say it when it fits like in you that what you like in me?
I think the guy should stay decent, it will backfire him and will lost the trust as having deen.

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sat Sep 08, 2012 9:27 pm
by SummerRain
OMG why do you have to write in Somali..arrghhhh

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sun Sep 09, 2012 4:49 am
by Twist
Apart from # 5 (and # 2, which is not a manly trait to have that many female friends in the first place), I don't see anything wrong with the rest of the list.

Abakar, your friend, Daalac Shoot, needs to step up his game & stop this fruitless calaacal. :mrgreen:

Re: astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxad

Posted: Sun Sep 09, 2012 8:59 am
by DayaxJeclee
kii habeen soo wactama khadka ka xir :lol: waa qof aan abaal lahayn
Base waaye, waa iskaan ilaalinaa ma'dama aa habeenkii dhafartid :lol: iska qulqul yaqaay