"Aniga gar-guurte dadka igu naaneysaan, gar-guurashadeyda maanta ayay soo gaba gabowday"+SawirroMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray inuu la soo daahay soo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo cadeeyay in muddo laga sugayay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mudo uu soo waday la tashi, isla markaana ay eegayeen shaqsi karti iyo aqoon leh, in howlaha Xukuumada socodsiiyo.
"Dad badan waa sugayeen in maanta la soo gaaro, Aniga gar-guurte la igu naaneysaa, gar-guurashadeyda maanta ayay soo gaba gabowday, intaasna waxay aheyd inaan isu roonaano, iyo la tashi, ma aheyn la tashiga hebel maa rabtiin iyo hebel ma aheyn, la tashiga wuxuu ahaa nooc aan rabno in wax u socdaan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra'iisul wasaaraha cusub ay u hayaan kalsooni, isla markaana ay kula garab galayaan sidii xilkiisa uu u gudan lahaa.
"Aad iyo aad ugu kalsoonahay xilkaas inuu guto anaga waa kaalmeyn doonaan, waxaan leeyahay shacabka waa ku sugayeen waa kuu heelan yihiin, waan u duceyneynaa in howshiisa ku guuleeyo, waa cusub iyo is bedel cusub inuu ka ambaqaado rajeyneynaa"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay ee ku daaha soo magacaabida Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo shaqsigan loo magacaabay xilka uu Muqdisho ku sugnaa xilligii ay bilaabanayeen ololihii doorashada xilka





Maku Bariidin. hase yeshee haddaan ku bariidaa. Asallamu callaykum. madaxa dalka taagada ka qaad.