Qaadiga ayaa u jeestay Dahir Alasow wuxuu ku dhahay " Cadeeyn ma u heysaa in Dahabshiil argagixisada la shaqeeyso"
Dahir Alasow ayaa ku jawaabay" Anonymous ayaa jebisay Database-kooda waxaana ka dhex helay 51 Nin oo ka tirsan ragga Al-Shabaab ugu caansan,waxaa uga furan Accounts ku furan magacyadooda maxay ugu fureen,waxaan sidoo kale soo qaadanayaa amarkii Al-Shabaab ka soo baxay ee Xawaaladaha lagu faray inaysan Dowlada u furi karin Accounts iyaga iyo Hay''adaha UN-ka laakiin Dahabshiil waa u fasaxeen ? maxaa loogu fasaxay hadeeysan xiriir kala dhaxeyn ama la shaqeeyn"
Dahir waxaa la waydiiyay maxaad ku tiri tacadiyo ayey geystaan oo siyaasad ayey ku lug leeyihiin ,wuxuuna uga jawaabay " Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland New Ucid Mr Faysal Cali Waraabe ayaan ku wareeystay Denhaag wareysi halsaac ka badan soconayay wuxuuna iigu sheegay inay lacag siisay Dahabshiil xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada,wuxuu intaa ku deray Faysal in Xitaa Madaxweynaha xilligaan ee Somaliland lacag badan siiyeen,maxay u siiyeen lacagtaas maxaa yeelay maamulka Siilaanyo wuxuu ku duulay gobolada Khaatuma state waxay dileen boqolaal shacaba ,waxay xireen ku dhawaad boqol Wariye ,tacadiyadaan lug ayey ku leedahay maadama ay Siilaanyo maalgelisay"
Qaadigii Maxkamada ayaa xiray dacwadii Dahabshiil iyo Waagacusub ,wuxuuna yiri "Afar todobaad kadib ayey noo tahay"
Taariikhda waa markii ugu horeeysay ee natiijada kiis nuucaana loo qabto afar todobaad maxaa yeelay waxaa hore loo qaban jiray ugu badnaan laba todobaad"
Dahabshiil waxay u muuqataa inay gebi ka laalaado
SOURCE:
http://www.waagacusub.com/news/20.11.12.2maxkamad.htm



