Postby Oba » Sat Dec 08, 2012 1:58 am
[youtube]/obU15rojdNM[/youtube]
Muqdisho (WNN) Waxaa jira Warar sheegaya in Ganacsato Soomaali ah iyo Turkiga ah ay maal gelinayaan Diyaarada Somali Airline ayadoo la filayo ilaa 5 Diyaaradood in la soo shaqo geliyo.
Saraakiil ka shaqeeysa Garoonka Aadan Adde ayaa u Sheegay Shabakada Balcad.com warkaan waxaana uu yahay war aad loogu farxo oo Soomaali badan ay soo dhaweeyn doonaan hadii ay maqlaan.
Diyaaradahaan ayaa u duuli doono Wadamo fara badan oo ka tiran Africa, Asia iyo Europa waxaana la filayaa waqti aan sidaa u sii gogeyn in la howl geliyo.
Qorshahaan ayaa waxa ala filayaa in Dowlada Somalia lagu qanciyo in ay qaataan wada shaqeyn Sanado ah si loogu wareejiyo Diyaaradahaasi marka ay dhamaato Wada Shaqeyntaasi waa sida ay Saraakiil ka shaqeeysa Garoonka Diyaaradaha inoo Xaqiijiyeen.