Page 1 of 1

Police Day in Mogadishu

Posted: Fri Dec 21, 2012 8:44 am
by AhlulbaytSoldier
Sanadguuradii 69-aad ee Aasaaska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo siweyn looga Xusay Magaalada Muqdisho [Sawirro]


Khamiis, December 20, 2012 (HOL) —Munaasabad heersare loo soo agaasimay islamarkaasina lagu xusay maalintii la aasaasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta ka dhacday kuliyadda Jeneraal Kaahiye, iyadoona munaasabadda maanta ay ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay.

Munaasabaddan oo lagu xusayay 69 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ay kamid yihiin: ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wasiirro, wasiir kuxigeenno, xildhibaanno, saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska, xubno kasocday qaar kamid ah dowladaha caalamka, madax katirsan xoogagga AMISOM, fanaaiin iyo weliba marti sharaf kale,

Ciidamada kala duwan ee Booliska ayaa iyagoo gaardinaya waxa ay socod kusoo mareen barxadda weyn ee xarunta tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, iyagoona salaam sharaf gudoonsiiyay ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya.

Kooxda fanaaniinta ee Heegan ayaa goobta kusoo bandhigay riwaayad ay ku muujinayeen howlaha uu qabto booliska Soomaaliyeed, waxa ayna sidoo kale goobta ka qaadeen heeso kala duwan oo isugu jiray kuwo ay booliska ku guubaabinayaan iyo weliba qaar kale oo ay ku sharaxayeen waxqabadka ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kamid ahaa xubnihii goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in ciidamada boolisku ay yihiin aasaaskii ugu horeeyay ee ciidamada dalka islamarkaasina ay ka qeybqaateen dhismihii ciidamada xoogga dalka, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaalladooda ku aadan sugidda amniga dalka.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye oo isna goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa uga warbixiyay waxqabadkii ciidamada booliska Soomaaliyeed ee sanadkan 2012, wuxuuna sheegay in sanadkani uu wax weyn ka badalanyahay kii hore islamarkaasina ay aad u yaraadeen falalkii amaan darro, isbaarooyinkii, qaraxyadii iyo weliba shilalka gaadiidka, wuxuun xusay in ciidamada boolisku ay wax weyn ka qabteen amniga magaalada Muqdisho iyo qeybo katirsan gobollada dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, qof walbana waa inuu ogaadaa danbiga sharciga laga galay in uu yahay mid isaga laga galay,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa munaasabadda ka hadlay masuuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Max’uud Axmed Tarsan, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo madax kale, waxayna dhamaantoodba hambalyo u direen ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn waxaa halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo isagu ugu horeyn ciidamada booliska ugu hambalyeeyay sanadguurada 69-aad ee kasoo wareegatay aasaaskooda, wuxuuna sheegay in booliska Soomaaliyeed ay wax weyn ka qabteen amniga dalka gaar ahaanna magaalada Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddiisu ay gacan weyn ka geysan doonto tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Re: Police Day in Mogadishu

Posted: Fri Dec 21, 2012 8:49 am
by Oba
Mashallah xaraakatu maujaahadiin wal Federal Government are doing a great job in wilaayada Islaamiga gobolka Banaadir. Takbiiiiiiiiiiiir :steviej:

Re: Police Day in Mogadishu

Posted: Fri Dec 21, 2012 8:53 am
by AhlulbaytSoldier
Mashallah xaraakatu maujaahadiin wal Federal Government are doing a great job in wilaayada Islaamiga gobolka Banaadir. Takbiiiiiiiiiiiir :steviej:
:lol: :lol:
Salutting Mujaahidiinta Republic of Somalia in Xamar doing their thing & Mujaahidiinta Shabaab punishing fufus & their stooges in Kismaayo :lol: :up:
It seems we have two mujaahidiin groups. If only the extremists(godane) were kicked towards where they came from, and the moderates made peace with Wilaayadda Islaamiga lead by Amiir Hassan.

Re: Police Day in Mogadishu

Posted: Fri Dec 21, 2012 8:55 am
by Nabeela
Who is that woman with the red outfit?

Re: Police Day in Mogadishu

Posted: Fri Dec 21, 2012 8:57 am
by AhlulbaytSoldier
Who is that woman with the red outfit?
Just an random xalimo.

Re: Police Day in Mogadishu

Posted: Fri Dec 21, 2012 9:17 am
by Oba
Mashallah xaraakatu maujaahadiin wal Federal Government are doing a great job in wilaayada Islaamiga gobolka Banaadir. Takbiiiiiiiiiiiir
:lol: :lol:
Salutting Mujaahidiinta Republic of Somalia in Xamar doing their thing & Mujaahidiinta Shabaab punishing fufus & their stooges in Kismaayo :lol: :up:
It seems we have two mujaahidiin groups. If only the extremists(godane) were kicked towards where they came from, and the moderates made peace with Wilaayadda Islaamiga lead by Amiir Hassan.
Inshallah my brother in islaam we have to contact odayasha ansaarta beelaha hawiye to mediate between the two mujaahidiin :steviej: