haliimo oo diiday inay Ceelka kasoo baxdo
Posted: Wed Jan 02, 2013 11:51 pm
Dhawaan ceel biyood ay ka qoday xaafada labo-dhagax ee muqdisho shirkad kasocoto dowladda Turkey ayaa waxay noqotay Goob soo jiidato indhaha shacabka iyo askarta magaalada.
Goor subax ah ayaa waxaa ceelka biyo dhaamis u yimid bulshada ku dhaqan degaankaas, gabadhii u horaysay u haanta ku tuurto ceelka meeshii ay ka filaysay biyo baa haantu waxay sooqaaday warqad oo lama filaan ku noqotay dadkii ceelka dhaaminaayey.
Waraaqda waxay u qorneed sidatan.
"Magacayga waa Haliimo, waxaan ahay 20 jir, xalay saqdii dhexe baan ceelkaan isku tuuray. sababta ka dambaysayna waxaan jeclaan lahaa inay ummaddeena oo dhan gaarto waa qaylo dhaan aan u dirayo qof walbaa si looga dooda arintan loona xaliyo si dhoqsa ah. waxaan ka cabanayaa gudniinta fircooniga ah ay dhaqan iyo caado ka dhigteen ummadeena iyagoo so binni aadamnimadda ka baxsan ooga jaraan xubinta haweenka. Qofka jarayo xitaa cilmi umalaha. Anigu meeshaan baan ku jirayaa inta laga gaarayo xal"
dad badan ayaa isku dayay gabadha inay kasoo saaraan ceelka balse nasiib xumo waa lagu gacan seyray. Maanta magaalada oo dhan ayuu warku gaaray iyadoo dadku qaarkood si kala duwan u turjumay dhacdadaan qaarna ay dhaheen gabadha in madaxa looga jiro.