Hay’adda Xuquuqda xoolaha oo cambaareyesay xarig xoolo loogu geeystay Sh/dhexe
Mogadishu 20, Sep. 2005 ( Sh.M.Network) Ururka Udooda xuquuqda Xeywaanka e Somali Animal Rights Community ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Sh/dhexe in ay sii daayaan xoolo badan oo ay xayireen si dadkii lahaa baad iyo biyo ugu raadsadaan.
Qoraal ay ka soo saareen ururkani xafiiskooda magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen tacadiga loo geysanayo xayawaanka Soomaaliyeed iyo waliba in maamulka gobolka Sh/dhexe uu xayiro xoolo badan oo isugu jira Lo, Ari iyo Geel si uu u helo dadkii iska lahaa, arintaasi oo ururka uu ku tilmaamay in aysan qabin shareecada islaamka, dhaqanka soo jireenka iyo xeerarka caalamiga ah ee daryeelka iyo xanaaneynta xeywaanaadka.
Waxa uuna ururka ugu baaqayaa maamulka gobolka Sh/dhexe in uu si shuruud la'aan ah uu ku sii daayo xoolaha uu xayiray isla markaana uu u fasaxo dadkii iska lahaa si ay ugu helaan baad iyo Biyo.
Qoraalkaasi oo nuqul ka mid ah soo gaaray shabakada warbaahinta Shabelle ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha ururka u dooda xuquuqda xeywaanka Soomaaliyeed Heybe Dahir Baraale, isagoo ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah, xubnaha dowladda FS iyo culuma udiinka Soomaaliyeed sidii loo sii deyn lahaa xeywaanka ku xayiran degaanka Miirtuuge ee gobolka Sh/dhexe.
Shabelle Media Network, Mogadishu



