Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo sheegay in Aqoonsiga la siiyay Soomaaliya uu Dhabar-jab ku yahay Somaliland
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay Soomaaliya uu yahay mid dhabar jab ku ah gooni-isu-taagga Soomaaliland, isagoona sheegay in arintaasi ay dhibaato u keeni karto wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.
Masuulkani oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay Soomaaliya ay tahay mid cawaaqib xumo u keeneysa qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, isagoona masuliyadda arintaasi dusha kaga tuuray dowladda uu hogaamiyo madaxweeyne Siilaanyo.
how does Somalia's recognition is bad for them, unless they don't want Somalia to succeed. and its them who were looking for recognition for 20yrs, Somalia doesn't need recognition, its already part of the international community.



