Postby Abdihaliim » Sat Feb 23, 2013 5:47 am
Miyi iyo Magaalo
Faarax waa madi, aabihiis iyo hooyadiis, waxa ay ilmo ka qabaan, isaga keliya. Qoyska faarax waxa ay degenaayeen, miyiga. Faarax waxa uu xoolaha la raacaa, aabihiis. Faarax waxa uu ku dhashay, kuna barbaaray miyiga. Weligiis ma uu tagin magaalo. Markii uu gaaray da'da 20 jirka, faarax, waxa uu ka codsaday aabahiis, in uu mar qura soo eego, meeshan lagu sheegayo, magaalo.
Aabaha dhalay Faarax ee lagu magacaabo, Geedi, waa uu aqbalay, codsigii wiilkiisa uu usoo jeediyay.
Faarax isaga oo faraxsan, ayuu dusha sare kasoo raacay, baabuur xoolo u wada, magaalada Muqdisho. Baabuurkii uu faarax saarna, waxa uu gaalay shil, oo waa uu qalibmay. Shilkii waa loo soo gurmaday. Dadkii dhaawaca ahaa, waxaa la geeyay, cisbitaaka Digfeer. Faarax madaxa ayaa, jug ka gaartay, oo waa uu suuxsanaa , kolkii cisbitaalka la keenaayay. Markii uu soo naaxay, waxa arkay isaga oo meel uu la yaabo, jiifa. Waxa uu waydiiyay, mid agtiisa ah, oo lagu magaacabo Manaxe. Walaal, meeshani maxay aheyd?. Manaxe ayaa ugu jawaabay, Waa aaqiro. Faarax intuu candhuufta dib u liqay, buu yiri, Alxaq, geeridu waa xaq.
Waxyar kadib qolkii uu jiifay Faarax, ayaa waxaa soogalay, Dhaqtar,. Nin ah, oo ay wehliyaan, laba gabdhood, oo kalkaaliye ah. Waxa ay eegeen, kaarkii surnaa, sariirta faarax, oo waxay arkeen, in uusan qabin waxa sidaa, halis u ah, dabadedna, waa ay ka baxeen, qolkii. Faarax oo la yaaban, dadkaan cad cad, ee weliba dharka cad cad xiran, ayaa, waxa uu weydiiyay, suaalk kale, Manaxe. Faarax waxa uu yiri ”oo kuwaanina maxay ahaayeen”. Manaxe, waxa uu ugu jawaabay, Waa
malaa,igtii Aakhira jiigtay. Faarax waxa uu misana weydiiyay, Manaxa, ”oo walaal, ma aanan afgarane, maxay ku hadlayen, maxayse aniga igu xukmiyeen? Manaxe ayaa ku yiri Faarax, afii aakhiro, bey ku hadlayeen, adigana waxa ay kuu qoreen, in cadaabka lagu geliyo. Faarax ayaa, waxa uu eegay, daaqadda, markaas buu arkay, geel xaabo, sida, Markaasuu ku yiri Manaxe, ”war heedhe, oo gaalasna halku xaabada u sidaa?” Manaxe ayaa ugu jawaabay Faarax, Dabkii lagugu naari lahaa, baa lasii diyaarinayaa!. Faarax intuu istaagay, ayuu daaqadda ka booday. Waxaa sooqabtay, waardiayayaashii cisbitaalka, kadibna waxaa lagu dhuftay, cirbad hurdisiisa. Markii uu soo naaxay, ayuu arkay isagoo sariirta ku xiran. Waxaa sariirta dhinac fadhiyay, aabahiis. Markii uu soonaaxay, ayuu arkay aabigiis Geedi, markaasuu ku yiri, Aabo goormaad adigana dhimatay?.
Aabe Geedi, waa uu dhoola cadeeyey, waayo, Manexe ayaa, u sheegay, wixii dhacay!
Shekadaan waxa ay dhacday 40 sano ka hor
Waqtigaan xaadirka ah Faarax, waxa uu ku noolyayay, miyiga, waxa uu leeyahay seddex xaas iyo 30 caruur ah. Xolo badana wayuu leeyahay.
Manaxe waxa uu hadda yahay, taliyaha xabsi ku yaal magaalo ka mid magaalooyinka soomaaliya!