way to go !Wajaale(TVSLE)- Ciidanka Laanta socdaalka Somaliland ayaa olole ku qaaday shabakad isku xidhan oo dadka ka tahriibisa Somaliland, kuwaasoo xarumo ku lahaa magaaladda wajaale ee xuduudka galbeed ku taala.
Maxkamadda Gobolka Gabilay ayaa isla shalayba kooxdan ku xukuntay inta u dhaxaysa Sadex bilood iyo Lix bilood oo bilaa iib ah kadib markii ay qirteen Ganacsigaasi danbiga ah ee lagu soo qabtay.
Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka ayaa Waaheen u sheegay in ay qaadeen olole ay kooxahaasi kaga sifaynayaan Dalka, isagoo sheegay in ay tahriib dhaaftay hawshuye ay u muuqato in ganacsi ay noqdeen dadkii.
“Waxaanu qabanay toban ka mid ah dadka tahriibta ku lugta leh oo xafiisyo ay uga furan yihiin Wajaale. Kooxdani waxay dadka geeyaan ilaa Liibiya wax lacag ahna marka hore dadka kama qaadaan ee iyagaa maal-geliya, marka ay Liibiya geeyaan ayay koox kale oo ay wada shaqaysytaan ku hagaajiyaan kuwaas baa dabadeed odhanaya reerihiina la hadla oo soo shuba lacagtii idinku soo baxday sidaasay dabadeed reeruhu ugu khasbanadaan inay furtaan” ayuu yidhi sarkaalkaasi.
Isagoo sharaxaya tahriibka dalka ka socda iyo waxa ay ka qabtaan waxa uu raaciyay “ maaha Tahriib waa Ganacsigii Adoonta oo kale oo dadka waa la kala iibsadaa markaa dhibaato badan baa ka taagan oo aad loo baxay bilihii u danbeeyay, qaar badan oo dhalinyaro ah oo aanu qab qabanay reerahoodii baanu u gacan galinay oo ceshaday.” Ayuu yidhi
Xadhiga kooxdan mar uu ka hadlayayna waxa uu yidhi “ koox ilaa toban nin ah oo hawshan u ban baxay oo xafiisyo u furtay baanu iyana qab qabanay Maxkamadda Gabilay baanu manta uga qaadnay xabsiga inay dhigaan oo la maxakamadeeyo, markaa Xafiis ahaan hawshaas olole balaadhan abaanu ka galnay ilaa todobaadkan oo wax la eegan karo ayay noqon weyday sida ay dadku u socdaan” ayuu yidhi
Dhawaan waxay Ciidanka Laanta Socdaalku Dalka ka mastaafuriyeen koox kale oo Ajanabi ahay oo tahriibka kala shaqaysan jirtay shabakad Reer Somaliland ah, kuwaasoo muddo ku xidhnaa hargeysa.
TVSLE




