South African Killed Somali man in the Mogadishu Airport
Posted: Tue Jun 04, 2013 6:25 am
Mid ka mid ah hawlwadeenada ajnabiga ah ee ka tirsan Shirkadda SKA ayaa garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ku dilay nin ka mid ahaa xoogsatada ka xamaasha garoonka ee Soomaalida ah.
Ninka ajnabiga ah wax dilay oo ah nin cadaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, magaciisana lagu soo gaabiyey Mieno ayaa la sheegay inuu horjooge u yahay koox xoogsato Soomaali ah oo ay dhowaan qoratay shirkada SKA ee maamusha garoonka dayuuradaha Aadan cadde.
Marxuumka la dilay oo magaciisa la oran jiray Cali Nuur Kheyr ayaa ka mid ahaa kooxdaas xoogsatada ah, waxaana dilkiisa oo loo adeegsaday feer iyo garaacid uu yimid markii uu muran ku saabsan dhinaca shaqada soo kala dhex galay isaga iyo ninka cadaanka ah ee horjoogaha u ahaa.
“Ninka Cadaanka ah oo ahaa nin xoog badan ayaa waxaa uu si arxan daro ah uu feer ugu boobay marxuumka uu dilay isagoo ka garaacay madaxa iyo xabadka illaa uu dhulka ka dhacay oo uu miyir beelay kana geeriyooday” Sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha xoogsatada ah oo goob jooga ka ahaa dhacdadaasi oo magaciisana ka gaabsaday.
Falkan oo dhacay saddax cisho ka hor ayaa Ciidamada Booliska garoonka Aadan cadde waxay xireen ninkaas cadaanka ah ee dilka geystay, hase ahaatee waxaa dhacday arin yaab leh ka dib markii gacan ku dhiiglaha xirnaa la arkay shalay isagoo shaqadiisa si caadi ah u wata xabsigana looga sii daayey qaab musuq maasuq ah.
Booliska ka howlgala garoonka Aadan cadde faahfaahin kama bixin arintan hase ahaatee Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka howlgala garoonka Aadan cadde ayaa si weyn uga carooday talaabada lagu sii daayey ninkan cadaanka ah ee dilay ninka Soomaaliga ah, waxaana garoonka ka taagan shalay iyo maanta xiisad arintaas ka dhalatay.
“Ma aqbaleyno in dadka reer Koonfur Afrika ay dalkoodana nagu dilaan, keenana nagu dhex dilaan waa in arintan laga dhiidhiyaa” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha ka howlgala garoonka Aadan cadde oo magaciisa ka gaabsaday, waxaana arintan ay ku soo aadeysaa xili ay meeshii ugu sareysay gaartay dilalka iyo boobka lagu hayo dadka Soomaaliyed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.
Shirkadda SKA oo la sheego iney garoonka dayuuradaha ka howlgasha iyadoo aan fasax ka helin baarlamanka Somalia, waxaana heshiiska ay la saxiixatay dowladii hore ee KMG aheyd uu dhigayaa iney qaadato 70% dakhliga garoonka dayuuradaha ka soo xerooda, iyadoo dowlada cusub ee Somalia aysan illaa hadda dib u eegis ku sameyniun heshiiskaas, waxaana lagu eedeeyanaa maamulayaasha shirkadaas iney shaqaalaha soomaalida ah ula dhaqmaan sida Adoomo ay soo iibsadeen, iyagoo mararka qaarkoodna aan siinin ama ku dhiba xuquuqda ay lahaayeen.
http://qaranside.com/2013/06/04/nin-sou ... ada-jooga/