Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

A gift to Kambuli and Other Wadaniyiin Only

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Sheikh Mustafa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1262
Joined: Sat Jul 19, 2008 2:40 pm

A gift to Kambuli and Other Wadaniyiin Only

Postby Sheikh Mustafa » Wed Jun 05, 2013 7:28 pm

Nimanyohow saqdii dhexe xalaan, salalay dhawr jeere

Qalbigaa isaaqmoo wadnahaa, sayray dhiig badane

Sarakacay sariirtii malladin, seexashiyo jiife

Caro saaqday laabtaa afkuna, aburka sayraaye

Si aan yeelo waan garan la’ahay, talo ansuubshaaye

Sanweyn qooqay baa igu tadhahay, suge dadkaygiiye

Safayn bay u laayeen dhammaan, magaca soomaale

Sunuud iyo naftoodaba ma dayn, saancadaaluhuye

Sawiradii an daawaday caray, igu siyaadsheene

Gumaysigu markuu saafay ee, seedihii jarayay

Saf yar oo caddaan ahi markay, soorka kala daashay

Hiilkaan siiyay waakuwii xornimo, saaray calankiiye

Santi laguma taartaa layiri, doqon sac weeyaane

Midkii aad wax siisaa udaran, dhagar samayntiiye

Sadar bay ku qoranyiin dadkay, naga sarquunsheene

Saamaxaad inaad qaadanaa, waa si aan jirine

Dagaalkii sokeeyaa ibaday, silica maantaahe

Sidaydii marbaan noqon adduun, waa sil-silad jaane

Sanweyntuna mar bay gelin dagaal, sabab la’aaneede

Duul soo yaacay way ii imaan, meerto socodkiiye

Kaydkay samaysteen ayaan, siin cantoobsiga e

Inkastoo siday ii galeen, anan samaynaynin

Haddana saadka qorigaan la dhici, saabka feeraha e

Mar haddaanan saam iyo gantaal, kugu ridayn saaka

Ama aanan diyaarado socdiyo, saaruuq kula gaarin

Sacabada waxaw dhiganayaa, saatir eebahaye

Sal hadhigina gaalada madow, malaha saaxiibe

Abaar soogan silic iyo wax li’i, seben colaadeedka

Sokeeyohoo dagaaliyo ilaah, nabadda kaa suuli

Saliidiyo batroolkiinu qarax, saatir waa keliye

Suujimo holcaysiyo cirkoo, danab ka soo yaaco

Dhul gariir saxriir idinku fala, dabaqyadoo seexda

Badda oo sunaamidi katimid, gobollo saamayso

Daacuun safmara oo ku dhaca, madaxdan siijeedda

Aydhiskii sibaabnaa rabbigay, ha idinku saynsaabo

Saqmi aan baxayn iyo xanuun, sababa ruuxiinna

Soo jire khalqigu wuxuusan maqal, saabay gurigaaga

So’ ha cunina xoolaha abaar, seexisaa heline

Sadkaad boobtay silic iyo ka qaad, saxasho mawdkaa ah

Boog iyo suntoo wada socdaa, saabka kaa daga e

Haddaad subag ku iidaamatiyo, sixin la geedeeyay

Saboolnimo daraadeed dunidu, qamadi kuu siiye

Senti dhururuq weligaa ha helin, faramarnaan seexo

Sebigiyo carruuraha u waa, soori waa qado e

Sabuulkiyo waxaad beerataan, sooma baxo waana

Roob soo darrooriyo ha helin, saban barwaaqaade

Biriq samada laga soo ganiyo, daadad kugu seexde

Calankaagu suulyoo lawaa, nacay surnaantiise



Afartaa summaday ee murtida, saaxi ma u sheegay

Xanaaqaan la sarakacay dagaal, seeri ma u yeershay

Ma ku sugay cadaawaha riddada, waan sumayn jiraye

Surmaseegto iyadoon lahayn, shiishka ma u saaray

Xog kalana anaa kuu sidee, saamac hadalkayga

Soomaali waa waaya arag, maanta say tahaye

Waddan aanay socodkii ku tagin, waa dhif saan qabo e

Sinji sooc huruufliyo dhibbay, qaabileen silice

Qaar diinta laga saaray oo, saaqidaa jira e

Kuwo dhaqanki sayroo dhar li’i, soogan baa badane

Sanka iyo dhegaha niman durtoo, dumarka saaweeya

Iyo sixille duul wada noqdoo, ay balwadi saaqday

Seygoodi dumar cayriyoo, saaxib la caweeya

Sarkhaansane warmoog iyo intii, siriqda loo qoolay

Waa tira ka saa’ida caqliga, sax u tilmaankiiye

Saxalkiyo dhibkaan nagu habsaday, sixir kasii weyne

Subxaanka iyo eebbaan baryee, sida hannoo dhaamo

Sawd afrika walaalaha ku nool, duco kusoo saada

Sugnaan iyo ammaan inay helaan, weyne u su’aala

Qalbigiinna siiyoo xanuun, ha idin saameeyo

Xaddiis sugan sidii uu ahaa, waad la socotaane

Xubin qura sidiisii ka dhigan, muumin sawraca e

Middii dhaawac soo gaaro waa, seexan kariwaaye

Innaguna sidaasaan nihiyo, kalama soocmaane

Midka dhagaxa lagu saafay waa, jiirka seedaha e

Saadkiyo hantidi kay dheceen, soori maan rabine

Inta haatan samabaxa qabtana, soo tagaan dhihiye

Waddankeennaa saatir noo dajaye, beerta saraciinna

Dhismihiisa sii horumarshoo, suga ammaankiisa

Warshadaha sancada keena oo, saaxi u adeega

Dalka sare u qaadoo ka dhiga, xarun lasoo aado

Dalxiisyada sun-sumi baa ku iman, marin socdaalkiiye

Dhaqaalahay sidaan baad la hari, doollar soo gala e

Kuwii shalay kusoo cayriyaa, daawan saanahaye

Saxada iyo muuqaalka wacan, yaabka way sidiye

Sawdkooda qaar baad ka maqal, saan umaan qabine

Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, saa’id naga dheere

Saliidda iyo macaadiinta taal, baarayaal suga e

Soddon ceel ka badan meelahay, sax u tilmaameene

Saddex keliya oon qodonabaa, sulus haraayaaye

Sawd afrikiyo asaageed ayaad , suulka ugu yeeri

Sidii aad dhahdaba way aqbali, saa danbaa tiriye

Sucuudigaa shidaal yari ku dhici, sida ay sheegeene

Salka moolka adigaa fadhiya, seermaweydada e

Sabool baahan soomaali maleh, sabanba waa cayne

Waqtigaa i saacidi rabbaa, siiya aadmiga e

Reer galbeedna saalufbaa ku dhici, salal abaareede

Sancadiyo farsamadaan hantiyi, sahasho waa maale

Saynis yahanno caanaa u kici, qalab sameeyaale

Sayruuq gacmeed baan hawada, saaran oo dhigane

Sirta iyo xogtoodaan ka heli, samada guudkaase

Gantaalaha riddada sii foglaa, saanacay barane

Diyaarado an soo saaray baa, suuqyadii tagiye

Tignoolooji sare iyo farsamo, gaalo sixi weyday

Sacabbaday afkii saarinoo, yaabka lala suurye

Marbaan dunida ugu xoog sarrayn, saan rajaysnahaye

Sixirkii qabiilkana fahmoo, laygu siri waaye

Rag inaan la saayiro ayaan, suumankow xirane

Saadaal rumowdana ma yara, saad la socotaane

Samir quusa weligaa ha filan, saa sawaan nahaye

Iinsha alla safarkiyo higsigu, waa sidaan rabaye

Iska sugo berriyo saadambaba, guusha soo socota
Qabiil Worshippers Stay away

User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: A gift to Kambuli and Other Wadaniyiin Only

Postby kambuli » Wed Jun 05, 2013 11:38 pm

Sh. Mustafa

Maasha Allaah, Maashaa Allaah..... :up: Aar yaa gabaygaan tirshey? Allow ku dhowr, ..How come I didn't visit Somalinet for so many hours? I should have seen this great poem as soon as it was posted...

Thanks huuno...



User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: A gift to Kambuli and Other Wadaniyiin Only

Postby HooBariiska » Thu Jun 06, 2013 12:14 am

Qalbigaa isaaqmoo wadnahaa, sayray dhiig badane

:shock: :shock: :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 68 guests