Laba nin oo u dhalatay gobolka Puntland ayaa ku heshiiyay inay isla guursadaan hal gabar oo ay shukaansanayeen iyagoo aan iska warqabin.
Gabadhan ayaa xiriir la lahayd labada nin muddo afar sano ah.
Sida muuqata waxay gabadhan diidday in labada nin midkood ay xulato.
Wargayska the Puntland times ayaa ka soo xigtay mid ka mid ah raggan oo lagu magacaabo Mwendo in heshiiskan ay qoreen kaddib markii ay iska warheleen in labaduba ay gabadhan xiriir la lahaayeen.
Sarkaal ka tirsan boliiska la shaqeeya dadka xaafadaha ayaa ku qanciayay labada nin inay isla guursadaan gabadhan kaddib markii uu arkay iyagoo dagaallamaya.
Heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa qoraya inay joojin doonaan dagaalka oo mid walba uu fiirsan doono maalintiisa.
Mwenda oo ka mid ah labada nin ayaa sheegay in isaga uu bixin doono lacagta meherka.
Waxaa uu leeyahay labada waalid ee gabadha way oggolaadeen arrintan.




