[Allwadani Columbus-Ohio,Oct14,2005]: Waxaa laaluush lagu soo eedeeyay nin Soomaaliyeed oo aanan magaciisa sheegi Karin arimo laxariira xaga sharciga ayaa la sheegayaa in uu siiyay laaluush qofkii ka qaadayey Imtixaanka Darawalnimada kadib markii uu ku dhacay wadistii gaariga.
Qofkii Imtixaanka qaadayey oo ahaa Maraykan ayaa markiiba u yeeray Booliska isla markaana waxaa jeelka loo taxaabay Ninkii Soomaliga ahaa kaaso kadibna soo dhamayistay Sadex Bilood hada. Falkaan ayaa la hubaa in uu wax yeeli doono sharciga iyo Shaqooyinka uu ka qaban doono Wadankan Maraykanka.
Waxaa iyana leh maxkad haweenay Soomaaliyeed oo laga soo daayey TV_ga Columbus oo laaluush lagu soo eedeyay in ay u taagtey haweenay kale oo Mareykan ah oo qaadaysaey Imtixaanka Darawalnimada kadib markii ay ku Baasi wayday Caagadaha waxa loo yaqaano. Haweemaydanm ayaa markii hore waxba lagu waayay dambi ah laakiin waxaa mar labaad u yeeray Maxkamada Degmadda oo rabta in ay Kiiskan markale la soo cusboonaysiiyo waxaana Bisha Novembar lasoo taagi doona Maxkad.
Laaluushka ayaa ah mid ay Soomaalidu caadayisteen in ay ku bixiyaan meel aan looga baahnayin iyo waliba waxa ay xaqa u leeyihiin in ay ku bixiyaan, qaasatan marka ay raadsanayaan Guryaha Jaban ee loo yaqaano Low Income Housing



