Xoogag katirsan kooxda alshabaab ayaa lagusoo waramaya inay usoo gudbeen koonfurta Gobolka ee gobolka Mudug oo uu hogaaminayo madaxa wacdiga uqaabilsan kooxda alshabaab Sh.fuaad shangole xili ciidamada Ethiopia ay kawadaan dhaqdhaqaaq Gobolada dhexe.
Dhawaan ayey ahayd markii saraakiil kasocota ciidamada Ethiopia ay wadahadal layeesheen hogaamiye Cabdi-qaybdiid ayago kawada hadlay amniga koonfurta Mudug iyo sidii aysan kooxaha argagixisadu gabbaad uga dhigan deegaanadaas.
Ciidamada Ethiopia ayaa ka helay ogaalsho difaacista shacabka somaliyeed ee dagaaladu ragaadiyeen kuna dhaqan gobolada dhexe iyo maamulka Galmudug oo aan lahayn quwad maamul, maadaam dagaalo sokeeyana ay lahareen goboladaasi ayaa ogalaaday arintaas.
Dhanka kale shacabka Galmudug ayaa kusoo waramaya in dayuuradaha qumaatiga ukaca ee hilocopterska iyo kuwa miiga ay arkayaan oo jawi hoose kuduulaya deegaan xeebedka konfurta Mudug kuwas oo tilmaamay in ay ahaayeen dayuuradaha PL ee sahanka iyo sirdoonka iyo kuwa dagaalka ee Ethiopia oo wada shaqayn sahan kawada deegaanadaas.
Sikastaba ha ahaatee soo galitaanka kooxda alshabaab aya waxaa beeninaya maamulka Galmudug hase yeeshee shacabwaynaha Galkacyood ayaa tilmaamaya in kooxdani damacsantahay inay utalowdo deegaanka buuralayda Puntland hadii aan laga hortagin iyo in ay falal is qarxin ah ka geystaan magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale shacabka gobolka ayaa ku baaqaaya in dhaqdhaqaaqa sirdoonka Gobolka Mudug iyo dhamaan Puntland si weyn loo howl galiyo, si looga hortago falal argagixiso oo ay ku dhintaan dad hada nool oo aan waxba galabsa




