Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wiil 11 Jir ah Oo Badbaadiyey Haweyney Hollandees ah

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Wiil 11 Jir ah Oo Badbaadiyey Haweyney Hollandees ah

Postby Maandhow » Sat Sep 06, 2014 4:04 am

Qiisadaan Oo dhacdo Run Ah Kana Dhacday Cariga Holand Waxay Ku Saabsantahay Wiil 11 Jira Oo Badbaadiyey Haweyney Reer Hoolanda ah Oo uu Dabraneyd In Ay Is Daldasho , Aakhiru Tahankiina Musllintay ... Maa Shaa alaahu Waxaa Soo Qoray

Maalinkasta oo Jimce ah Salaada ka dib waxaa jiray Nin Iimaam ah iyo Inankiisa oo 11jir kuna Noolaa Magaalda Amistardan (Holand) ayaa waxa ay u bixi jireen Jidadka iyo Guryaha Magaalada ay Deganaayeen ee Amistardam si ay ugu qaybiyaan Kitub yar-yar oo Ciwaankoodu ahaa Dariiqa Janada Loo maro iyo qaar kale oo iyaguna ka hadlaya Islaamka.

Hadaba Maalin ka mid ah malaamaha Salaadii Jimce ka dib waxaa timid Waqtigii iimamka iyo inankiisu u bixi jireen Dacwada Wadooyinka Amistardam si ay ugu Wasacaan (Qaybiyaan)Kitaabada yar-yar ee ka hadlaya Islaamka .. Maalintaa Jawigu Dibadu waxa uu ahaa mid aad u Qabaw waayo Roobab ayaa Da’yay inankii waxa uu bilaabay in uu Xidho dhar fara badan si aanu u dareemin Qabawga, markaas ayuu Aabihii ku jidha Abaabo diyaar ayaan ahay markaas ayuu Aabihii waydiiyay maxaad diyaar u tahay inanki ayaa ugu jawaabay,Aabo, waxaa la gaadhay Waqtigii aan Qaybin lahay kutubta Islaamiga Markaas ayuu Aabihii ugu jawaabay, waxaa dhacaya Qabaw Hawada banaankuna ma fiicna, markaas ayuu inankii ugu jawaabay, Aabo, waxaa jira halkaa Dad wali ku socda Naarta inkastoo Qabaw iyo Roobab jiraan.

Aabihii, ayaa ugu jawaabay laakiin anigu uma baxayo Qabawgan, markaas ayuu inanki Sabiga ahaa ku yidhi Aabo suurta gal ma tahay in aan anigu soo qaybiyo Kutubta isagoo ku ce-celinya Aabihii-Aabihii ayaa ku yidhi waa suurta gal inta uu u dhiibay waxoogaa Kutub ah ayuu inankiina ugu jawaabay Aabo waad mahadsan tahay, " la saco Inankan Dadiisu waa kow iyo toban jir u baxaya xiligan Qabawga aha Wadooyinka si uu u qaybiyo Kutubtaa Islaamiga ah" waxa uu bilaabay in uu kutubta u qaybiyo Qofkii uu la kulmaba isagoo waliba Guryahay Xaafada ku garaacaya oo u qaybinaya Kutubta guri-guri laba sacaadood ka dib marka uu dhex socday Qabawga waxaa Gacantiisa ku soo hadhay Kitaab kaliya isagoo raadinay Qofka u danbeeya ee uu siin lahaa Kitaabkan soo hadhay, lakiin Wadooyinku waa cidla oo way haawanayaan cidna ma socoto markii uu waayay Qofnaba ayuu goostay in uu u dhaqaaqo xaga Guryaha u dhaw si uu u siiyo xabadan Kitaabka ah ee ku soo hadhay.

Waxa uu bilaabay in uu Garaaco Albaabka Guri ku dhawaa, lakiin cidna umay jawaabin wuu ku cel-celiyay garaacii Albaabka lakiin cidana wali kamay furin waxa uu isku dayay in uu iskaga tago lakiin wax ayaa u diidaya in uu ka tago, markii u danabaysay ayuu aad u yara Garaacay Jalaskii isagoon ogayn cida uu sugayo ilaa Wakhtigaa wuu ku yara dheeraaday garaacii si lama filaan ah ayaa loo furay Albaabkii waxaa ka furtay Aalbaabkii Qof Dumar aha oo da’ah Wajigeedana ay Murugo ka muuqato waxay ku tidhi maxaad u baahn tahay inankaygiiyaw, inankii yaraa oo ku eegay indhihiisa Nuurku ka muuqdo ayaa ku yidhi waan ka xumahay in aan ku dhibay ama aan kaa xanaajiyay, laakiin waxa kailya ee aan rabo in aan kuu sheego waxaa weeye ilaahay waa ka kaliya ee ku jecel kuna caawinkara waxaanse u imid in aan ku siiyo Kitaabkaygii iigu danbeeyay kaas oo kaagawarami doona wax kasta oo ilaahay xagiisa ku saabsan iyo sidaad ku kasban karto ilaahay raali ahaanshihiisa markaas ayu u dhiibay kitaabkii Yaraa markas ayay ku tidhi waad mahadsantahay Inankaygiiyaw.

ka qaado Wiigii danbe markii iimaamkii Khudbadii dhameeyay ayuu yidhi yaa su’aal qaba mise Safafka danbe ee Dumarka Qof weyn oo Dumar ah ayaa tidhi Qofna may garanyo Jimacahan horena umaan iman halkan Jimcihii hore maan ahayn Muslim kumanaan fakirin in aan noqonayn Muslim, Ninkaygii waxa uu Dhintay Bilo ka hor waxaanu igaga tagay Aduunyadan kalinimo Jimcihii tagay Jawigu waxa uu ahaa mid aad u qabaw Roobna wuu da’yay waxaan goostay in aan isdilo waayo wax Amal ah iigumay hadhin Noloshan oo waan ka quustay waxaan soo qaatay Xadhig iyo Kursi Xadhiguu waxaan ka soo laalaadiyay Qolka aan ku jiray xagiisa sare Xadhigii markaan xidhay ee aan u diyar garoobay in aan iska soo deldelo ee aan kursigii isku taagay ee aan qoorta la galay kaligaynaa aan ahaa Murugo badana ay i hayso oo aan rabo in aan ka dhuunto, ayaa si lama filaan ah waxaan u maqlay Cod Aalbaabka waxaan goostay inaanan ka furin oo aan sugo inta uu iga tagayo balse waxa uu ahaa cod aan tageyn balse sii kordhaya markaas ayaan Naftaydii la sheekaystay oo aan ku idhi qofkan kaa tagi waayay wa’ayo markaas ayaan xadhigii intaan ka bixiyay Qoortaydii ayaan goostay in aan eego Qofkan Albaabka xoog u garaacaya, markii aan Aalbabkii Furay may rumaysan Indhahaygu waab Sabi yar oo wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoola cadaynta Malaa’igta oo aan hore u arag mid la mid ah kelmadii ka soo baxay Afkiisa ayaa Qabsaday Qalbigaygii dhintay islamarkaana dib u soo Noolaysay oo ka saartay rejo la’aantii, waxa uu igu yidhi Sayidadaydiiyeey waxan kuugu imid Waqtigan inaan ku idhaah ilaahay wuu ku jecel yahay waanu ku caawinayaa, ka dibna waxa uu isiiyay Kitaabkan aan sido ee Ciwaankiisu yahay Dariiqa Janada loo maro Waqti adag ayay ahayd aniga iyo isagaba waayo Jawiga ayaa adkaa waxaan Aakhriyay kelmad kasta oo ku jirta Kitaabkan marakaan dhameeyay ayaa bilababay in aan Xadhigii iyo Kursigiiba meesha waayo midkoodna iminka uma baahni oo waxaba ii tari maayaan waad i aragtaa iminka waan Farxsanahay waayo waxaan ogaaday in uu Jiro ilaah dhab ah waxaan u imid inan idiinku mahad noqo Malagan yar ee aad ii soo dirteen Waqti munaasib ah ilaahay ayaa mahad iska leh.

hadaba Su’aasha aan waydiinaya Naftayda iyo Dadka ku nool Caalamak Qarbiga waxaa leeyahay maxaan u gudbinay Dadka aan muslimiinta ahayn ee aan la Noolahay ee ku saabsan Diinteena Islaamka ah* ilahay in Sabab kaaga dhigo in Qof gacantaad ku soo Muslima *ayaa kaaga khayr badan Aduunka iyo waxa yaala Xadiiskii nebiga scw ...
By Hussein sulub Jaamac Filand

Galdogob Times News Desk

User avatar
salool
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Tue Oct 18, 2011 10:15 am
Location: "Live Each Day As If It Were Your Last... Tomorrow is Not Promised."

Re: Wiil 11 Jir ah Oo Badbaadiyey Haweyney Hollandees ah

Postby salool » Sat Sep 06, 2014 6:38 am

Mashallah...ilmaha yar ilaahyo sida ugu wad.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 68 guests