Kenya, Norway to enter into an agreement on management of petroleum resources
SEPTEMBER 11, 2014 BY SAMUEL KAMAU MBOTE
Kenya and Norway have announced that they are considering entering into a long term agreement Petroleum on effective and socially responsible management of petroleum resources.
This was revealed as President Uhuru Kenyatta met with the new Ambassador to Kenya Victor Conrad Ronneberg who presented his credentials at State House Nairobi on Tuesday.
This will be a continuation of the ongoing partnership between the two countries on issues of best practice in managing natural resources.
“We are considering a long-term agreement with Kenya’s Ministry of Energy and Petroleum on effective and socially responsible management of petroleum resources,” Ronneberg said
Ronneberg added that Norway looks into increasing business relations with Kenya which has already increasing twenty fold within the last years mainly within retail, telecom and financial services.
President Kenyatta said Kenya will benefit from cooperation with Norway in managing the newly discovered petroleum resources terming the European nation a role model on how to manage revenues in the sector.
Norway maintains the largest sovereign fund in the world currently estimated to be over $884 billion, owns 1% of the entire world’s stocks, and is big enough to make every citizen a millionaire in the country’s currency, the kroner.
Norway iyo Kenya oo Gelaya Heshiis ku saabsan Maaraynta Khayraadka Batroolka
Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Sunday, September 21, 2014 // 1 Jawaab
“Kenya iyo Norway waxay gelayaan heshiis ku saabsan maaraynta Khayraadka Batroolka,” waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed September 9, 2014 ay faafiyey websiteka madaxtooyada Kenya.
Arrintaas waxaa shaaca laga qaaday xilli aqalka madaxtooyada Nairobi uu booqday Safiirka Cusub ee Norway u fadhiyi doona Kenya, Victor Conrad Ronneberg, si uu waraaqahiisa aqoonsiga u gudoonsiiyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Waxaa warsaxaafadeedku intaas raaciyey in “Dawladda Kenya ay hore ula xiriirtay Norway arrimo ku saabsan maaraynta khayraadka dabiiciga ah.”
Safiirka Norway waxa uu halkaas ka sheegay in “uu ku faraxsan yahay in Kenya ay muujisay sidii ay u maamuli lahayd Khayraadka Batroolka iyo Gaaska.”
“Waxaan ku talo jirnaa in Norway ay heshiis muddo dheer jiri doona la gasho Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ee Kenya oo ku saabsan maamulida/maaraynta khayraadka Batroolka,” ayuu yiri safiirka Norway.
Sidoo kale madaxweynaha Kenya oo halkaas ka hadlay waxa uu yiri “Kenya waxay ka faa’iidi doontaa wada shaqaynta Norway si loo maareeyo khayraadka batroolka ee dhawaanta la daah furay.”
kenyanorway
Dhanka kale Safiirka cusub ee Norway waxa uu shaaca ka qaaday in labadii sano ee la soo dhaafay ay Norway maalgashaatay Kenya taas ooo gaartey Ksh 8 billion, taas oo la xiirta xagga isgaarsiinta iyo adeegyada ganaacsiga.
Dhanka kale, Warsaxaafadeed 19 September 2014 ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in “Cabdiweli Sheekh Axmed uu la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic,” ayagoo sida warsaxaafadeedku sheegay “ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.”




