Postby libaaxyare » Wed Oct 01, 2014 8:10 am
Dunidii sabaan baa ka dhacay, saxo kaliileede
Suluf iyo abaar, iyo colaad, soohan laga sheegye
Saxal baa ku dhacay, uumiyihii, sun iyo baaruude
Saymuhu halkey gali jireen, soofna laga waaye
Sareedada dadkii haysan jiray, saxal ku weynaaye
Saaciyo Mariiqii wacnaa, seege waayahane
Xidigii sarayn jiray, wakaa saaka foorara’e
Sanka duul ka xiran baan nahoo, seeto loo dhigaye
Sodan guura baa lagu, jiraa saamo gadataahe
Waa silic ku joog iyo, gunimo sabab la’aanede
Cirkuna waa sawaarayn jiree, sagalki loo diidye
Samartiino weeyaan hadaad, Guga sugaysaane
Sanadkii inuu baaqdey, baa sahan ku sheegeene
Oo saahiro banana baa cidii, saabka loo dhigaye
Geelu wuxuu ka soofaa caradii, soomanka ahayde
Sadna kuma hayoo, waa dhulkii saymo raagsadaye
Sinbiriiraxadu waa waxaa solay, jirkeygiiye
Soofaha wax gooyiyo, birtuba, sahan afkoodiiye
Samaha iyo qayradku, way iga sokeeyaane
Sakaraadka iyo mowdka dhaca, waw sigtoonahaye
Inta seeftu ciida iga taal, mooyi saan noqone
Yaan la kala saraynbaa, qalqiga loogu saar tumaye
Sokeeeyiyo, qabiil iyo xigtey, noo sardahayaane
Soomaalidu hanoolato, aan waana lagu seexan
Waxay hadal ku suub sanahayaan, siman dadkeeniiye
Hayeeshee sal iyo baar, macnaha waan la soconaaye
Waxa suuqa yaaliyo, jirada uunka wada saaqday
Safarada iyo gaajada, dadkii seeda ka idleysay
Saqiir xalay dhashaa waa ogyahay, xaalku suu yahaye
Marse hadaan saadaashii furay, saami qabarkeyga
Oo aan seexan waayee, hurdada salaley oo toosay
Oo waliba sawaare cilmi, qayb saaray dibintayda
Saluug buu I taray, beyd guntane, saan u faashadaye
Cimradii sokeeyaha jaclayd, iima soo bixine
Somacii lugaha seexan jiray, sidig dariiqiye
Hadaan geed la siibiyo, cagaar lagu sabaalaynin
Sideed inuu ku reer galo, ankee suuro gali waydey
Moorada sadexan waa Afyuub, waxa sameeyaaye
Mid hagaaga seexdiyo, Bayaad dabinka kaa saara
Kol hadaan Guntane, suulku hara calaf ku siineynin
Waan lagu sal dhigin, bayd walaal, kaa salaan tagaye
Lama sugo sidiisaba hadaan, soofka loo dhigine
Garba raarka waa kaa samada, saaran oo tagaye
Safarlaaxig baa xigi lahayd, saacad dabadeede
Nulqaduu sareedada u waday, saaka ka irdhowye
Waxa Kooshin ii sabanayaa, waa suf iyo beene
Afartaa sifeeyaye, hadaan sadar kale u laabto
Waxba yaan sintaaca, iyo kursiga la isku saabayne
Waxba yaan, sariiraha sharaxan suxulku aasnaane
Waxba yaan, sigaarkiyo qamriga sooryo loo bixine
Waxba yaan, saraha fooqa dheer saami loo gadane
Waxba yaan, bangaha jeeg sawiran, Saynab loo dirine
Waxba yaan, saxiix iyo qoraal, qalinku saarnaane
Waxba yaan, ninkaan saatan rabin, saawir loo tumane
Waxba yaan, sandhuublaha cabsida, sahan la koorayne
Waxba yaan, sakiintiyo midida, suulka lagu hayne
Waxba yaan, orgiga sararta wayn, Suuban loo qaline
Waxba yaan, sareeyaw habluhu kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga latagin, saacad dabadeede
Waxba yaan, sabool baa nadiley, saaxib loo orane
Waxba yaan, baryaan subaxna harin, loogu sii socone
Waxba yaan, sinaan iyo midnimo lays sabaalayne
Waxba yaan, siyaasada guracan, sookac lay orane
Hadii aad sasabo noo wade, surinka noo jiiftay
Surka qabo hasiidayn hadaad, xarig u soo haysay
Ogoow sidigta waa diidantahay, sulub hasheeniiye
Sanad yaashii ay naga gurayd, suuxnay gaajada’e
Salaaf kiyo dhukaankii ka hare, shilinti saarayde
Oo waa soo sadgoysoo bariba, Saafi way dhaliye
Waysalaaxi doonaan ragii, soomanaan jiraye
Suusac iyo dhiyadii hadii, Eebe naga siiyo
Soo dhaweeya haamaha, dad yahaw gaarney sami hiiye
Sumaddii horaa looga dhigi, sabada Hiiraane
Sinjigeeda nimankii lahaa, lagama saanyoone
Sinta Dabare inay daaqdo baa, Saafi loo wadaye
Soomaalidaa eegatoo, saami ku lahayde
Samawade Abgaal baa jeclaayo, keenay sahaydiiye
Sadex Cali Caray baa iyana, seefahii tumaye
Inuu Cayrna saanada ugurto, waa la soo saxaye
Saleebaan dhulkuu dago ayaa sugayey, wiigaane
Sacad iyo Saruur baa jeclaa, inay salaaxaane
Haday Bare Afwayne siilistana, waa si gooniyahe
Sodon bari markii ay qadoo, seeto lagu dhuujay
Sabaali hiimaarkii lagu dabree, sibirtu dheeraatay
Habar saarqabtiyo dumar, markuu wada salaaxaayey
Sadkaagii ka maashaye, adaan samirka, eegayne
Warhooy salabka keen Irir Samaal, haduu seefihii tumaye
Waxba yaan, ninkaan saatan rabin, saawir loo tumane
Waxba yaan, sandhuublaha cabsida, sahan la koorayne
Waxba yaan, sakiintiyo midida, suulka lagu hayne
Waxba yaan, orgiga sararta wayn, Suuban loo qaline
Waxba yaan, sareeyaw habluhu kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga latagin, saacad dabadeede
Waxba yaan, sabool baa nadiley, saaxib loo orane
Waxba yaan, baryaan subaxna harin, loogu sii socone
Waxba yaan, sinaan iyo midnimo lays sabaalayne
Waxba yaan, siyaasada guracan, sookac lay orane
Hadii aad sasabo noo wade, surinka noo jiiftay
Surka qabo hasiidayn hadaad, xarig u soo haysay
Ogoow sidigta waa diidantahay, sulub hasheeniiye
Sanad yaashii ay naga gurayd, suuxnay gaajada’e
Salaaf kiyo dhukaankii ka hare, shilinti saarayde
Oo waa soo sadgoysoo bariba, Saafi way dhaliye
Waysalaaxi doonaan ragii, soomanaan jiraye
Suusac iyo dhitadii hadii, Eebe naga siiyo
Soo dhaweeya haamaha, dad yahaw gaarney sami hiiye
Sumaddii horaa looga dhigi, sabada Hiiraane
Sinjigeeda nimankii lahaa, lagama saanyoone
Sinta Dabare inay daaqdo baa, Saafi loo wadaye
Soomaalidaa eegatoo, saami ku lahayde
Samawade Abgaal baa jeclaayo, keenay sahaydiiye
Sadex Cali Caray baa iyana, seefahii tumaye
Inuu Cayrna saanada ugurto waa la soo saxaye
Saleebaan dhulkuu dagao ayaa sugayey, wiigaane
Sacad iyo Saruur baa jeclaa, inay salaaxaane
Haday Bare Afwayne siilistana waa si gooniyahe
Sodon bari markii ay qadoo seeto lagu dhuujay
Sabaali hiimaarkii lagu dabree, sibirtu dheeraatay
Habar saarqabtiyo dumar, markuu wada salaaxaayey
Sadkaagii ka maashaye, adaan samirka, eegayne
Warhooy salabka keen Irir Samaal, haduu seefihii tumaye
Saciid Gacamey