Quoted from Somewhere lol
OOHIN QARAN! Iyadana way jirtaa!!?
Saakay waxaa la ii sheegay in dhawr ka mid ah dadkii lagu daray Liiskii Wasiirada ee la kala diray ay oohin la baroorteen markii ay VOA ka maqleen in xukuumadda la kala diray.
Wiil ka mid ahaa Wasiiru-dowlayaasha oo la aamusin waayey ayaa afkiisa laga hayaa inuu dhahay, Mustaqbalkeyga way iga baabi'iyeen, liiska ay igu dareen dartiisna waa la ii dili doonaa hal marna wax kuma dhadhamin.
Gabar iyana ka mid aheyd liiska wasiir ku xigeenada ayaa laga sheegay in ay u yeertay ninkeeda oo dibadda jira, kaddibna aad ugu oysay, isaga oo fahmi la'na ku damisay, kaddibna ninkii oo yaaban ayaa gabadhii hooyadeed wacay, wuxuu ku yiri Hooyo nabadi ma jirtaa, Hooyo yaa dhintay? Duqdii oo yaaban ayaa ugu jawaabtay ma ogi. Wuxuu waydiiyey oo Heblaayo aad ayey u oyneysaye maxaa dhacay, ma ogi ayey Maamadii ku gaabsatay, ninkii oo yaaban baa gabadhii xaaskiisa aheyd wacay oo ku yiri Naa maxaa dhacay, deetana waxay ugu jawaabtay: Ra'iisal wasaarihii baas dowladdii buu kala diray, dhibka aan ku soo galnay hadduu og yahay nama kala direen, ma isagaa naga bixinaya qarash aan mar kale ku ololeyno. Ninkii oo yaaban ayaa yiri: Ilaahey tuug si uu Liiska kuugu soo celiyo.
Xeydasho Qaran iyo Foori Qaran waxaa ku xigtay saakay OOHIN QARAN!





