Iranians are been paging Ximan iyo Xeeb on phone calls last few days and also the Hookerland jeberti, they been calling XX every day not to shame them four jabardi along with Iranian are captured by X&X army
Ximin iyo Xeeb oo gacanta ku dhigay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay Xeebaha Mudug
Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa lagu qabtay xeebta deegaanka Ceel-huur oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana doomahaan qabtay ciidamada maamulka Ximan iyo Xeeb.
Wararka ayaa sheegaya in doomahan ay saaran yihiin qaboojiyeyaal loogu talo-galay in lagu kaydiyo kalluunka, waxaa xilligan lagu hayaa deegaanka Ceelhuur, iyadoo maamulku ay sheegeen inay badmaaxiinta maxkamad soo taagi doonaan.
Guddoomiyaha deegaanka Ceel-huur, Maxamed Maxamuud Cali ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u maxkamadeyn doonaan shaqaalaha Reer Iiraan ee Doomahaas la socda.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa badmaaxiinta doomahan watay ku eedeeyay inay si sharci-daro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya, balse ay marin doonaan ciqaab u dhiganta xadgudubyad ay ku kaceen.
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb, Maxamed Xaaji Xuseen ayaa toddobaadkii hore ku eedeeyay waddamo shisheeye ah in ay haamo ay wasakhi ku jirto kusoo daadiyeen xeebaha gobollada Dhexe.
Xeebaha Somalia ayaa inta badan la sheegaa inay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan doomo shisheeye, iyadoo ay ku sugan yihiin maraakiib ka socda dalalka caalamka qaar-kood oo la dagaalamaya burcadbadeedd

















