This man said it best
Murad Yusuf
"Somalida naxariis ma laha, waa wada munaafiqiin. Markaan yaraa, gabar yar baan la socday oo ka timi Burco anagoo markaa degenaa Muqdisho. Maalintaa anigoo xaafad ka soo kaxeeyay oo gacanta haya, ayuun bay dhulka isku tuurtay anigana mooday inay waalatay oo leh "maxaa dhacay". Iyaduna "dayuurad" uun bay igu tiraahdaa illaa aan gartay inay ka baqanayso sida kuwii faqashta. Nasiib xumo meeshaanu ag maraynay makhaayad bay aheyd wada "aboowe/boowe" ka buuxaan oo way wada qoslayeen. "Waraa qaldaanka fiiri" baan weli xasuustaa iyo odayaal cimaamado iyo gar-weyn oo gabartan yar ee taroomada soo martay ku qoslaya. Markaa beenta joojiya, kuligiin wada calool xumayaal isweydiinaya "qolo waaye" baad tihiin. Wax/cid aad u naxdaan ma jirto. Ilaahay wuxuu idiin abuuray inaad idinka isu gargaartaan, maaha in afweyn lasoo fadhiisataan idinkoo ku shiraya "Ilaahayow u gargaar". Ilaahay beenta ka daaye."
Like · Report · 1 hour ago
You cry today about Somalinimo but laugh at other clans misery and suffering. Somalinimo iyo munaafiqnimo waa isku mid.