Come onnnn ya post ur favorite Somali Song
Here is mineeeeeeeeeeeeee
Dhulka intaad kunooshahay
Kuma dhaafi karayee
Qalbigaad ku dhigantoo
Dhuuxaad ku qorantoo
Nolashaad ku dheertoo
Dheeheedi aad tahay
Wali waan ku dhawraa
Sida dhoolka loofilo
Dhibicdiisa roobkuna
Dhirta ugu magooshaad
Nafta ooga dhigantee
Waan kaa dhursugayaa
Naf jacayl dhantaalaa
Marna aan dhib waayine
Dhulka ma,igu tuurtoo
Cidla ma,igu dhaaftoo
Caashaq ma,igu dheelaa
Dhakhtar wacan ma,aanhelin
dhaawacaad abuurtiyo
Dhibkii aad igalisee
Aad igaga dhuumatay
iga dhaya kalgacalkii
ladhaqaaqi waayee
Jacaylkan la,dhuubtee
Dhuunigii lacunayiyo
Dheeftiina iga jaray
Iga muun dhamaanoo
Beerkuu dhax jiifaa
safiyaay dhax yaalaa
Dhudhumada gacmaha
Dhabarkiyo lafaha
Adigaa dhax jiifoo
Sida dheeman iyo luul
U,dhalaali midab dahab
Ayaad ii dhax maraysaa
Sidii uu dhib ugu dhacay
Ama dhiilo iitimid
Dhulka aan xariiqaa
Dhabnada aan haystaa
Dhakafaar daraadii
Waan kaa dhursugayaa
Wali waan ku dhawraa
Xiligay u,dhurataba
Inaad noqon dhigaygoo
Dhinacayga aad iman
Xaaskayga kaadhigi