Kadib markii Wasiir xaglotoosiye xildhibaanada harti ku tilmaamay kuwo ISXANBAAR lagu keenay. ayaa waxa hadalkaas ka xanaaqay dhakool oo Malaha cod toosa kusoo baxay berigay Ciidamada Somaliland fadhiyeen deegaankiisa 2005 kii. Xildhibaanka oo culumo u sansaan muuqday ayaa kabaha la dulmaray wasiirka caafimaadka . wuxu sheegay in Xaglotoosiye 3 xaafadood laga eryay kadib markii dadku u adkaysan waayeen waxa aqalkiisa ka socda. isagoo tilmaamay inuu xitaa isagoo wejiga diirdiiran oo fartu go,anyahay (malaha sakhrad dagalamay) xafiiska lagu arkay.
Si kastaba ha ahaatee arintan baa waxay kusoo beegmaysaa xili masuuliyinta dhuloos u kala baxeen. Sakhraamiin, Itaxaad,qaadqabax iyo dhaameel iyo Askar intaas oo aan midna mid salaamin. Waxay xantu tilmaamaysaa in Xaglotoosiye iyo Cukuuseba aad u cabaan. inkastoo dadka taageera qaarkoodna ay ku doodaan in nimanku iska weji barbararsanyihiin oo ilaahay sidan u abuuray.