I don't understand. Why somalis hate living in their country so much ? Acuudubillah.
Soomaali dib ugu laabatay Dalka Yemen{DHAGEYSO}
September 19, 2015
Muqdisho–KNN-– Qunsulka Safaarada Soomaalida ee dalka Yemen Axmed Suudaani oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay jiraan Dad Soomaaliyeed oo horay looga soo daad gureeyay Yemen oo hada bilaabay in ay dib ugu laabtaan qeybo ka mid ah Dalka Yemen,gaar ahaan Magaalada Mukalla.
Axmed Suudaani ayaa Tilmaamay in Dalka Yemen ay wali ka socdaan Dagaalo iyo Duqeymo sidaa darteedna loo baahan yahay in Soomaalidu ay ka Feejignadaan dib ugu laabashada Dalkaasi oo wali Xaaladiisu aysan daganeyn.
Sidoo kale Qunsulka Safaarada Soomaalida ee dalka Yemen Axmed Suudaani ayaa sheegay in ka safaarad ahan ay wal wal ku Abuurtay Arrintaasi ah in Soomaalidii laga soo badbaadiyay Colaada Yemen ka socota ay haatan bilaaban in ay dib u laabtan.
Lixdii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Dalka Yemen waxaa ka soconaya Dagaalo u dhexeeya Kooxda Xuutiyiinta iyo Dowladda Caalamku uu Aqoonsan yahay ee Wadanka Yemen,iyadoo Kumanaan Soomali Qoxooti ku ahaa Yemen laga soo badbadiyay.
http://radiokulmiye.com/knn/2015/09/19/ ... ndhageyso/







