Threadkan waxaad soo dhigi kartaa, sawirrada guri kasta oo wadankii ku yaala. Adigoo faahfaahin yar raacinaaya sida:
- Halka uu ku yaalo, magaalada iyo waliba xaafada
- Qiimaha guriga
- Goorta la dhisay
- Haddii kiro yahay Qiimaha kirada ee bishii
- Goobaha ka ag dhaw
-Iwm
Tani waxay inoo fududayn doontaa inaynu wax badan ka ogaano guryaha wadankii iyo waliba dadka safarka ah iyo kuwa wakhti kooban wadankoodii kusoo qaadanaya way caawinaysaa wax badan oo aanay hore u ogayna way ka faa'idayaan.
Waxay kaloo inoo fududay-naysaa inaynu kala ogaano Qiimaha iyo faraqa u dhaxeeya sida ay u kala qaalisan yihiin guryaha iyo maciishada kaleba ee magaalooyinka dalku.
Dad badan ayaa jecel inay wadankoodii dib ugu laabtaan oo nolol cusub oo fresh ah kasoo samaystaan iyagoo og inana wax wadankii loo dhigaa jirin.





