constributions are going on like wildfire.we can build things with out the need for international agencies.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka dhabeeyay balan-qaadkii ahaa inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Hobyo.
Wadadan ayaa dhismaheeda waxaa iska kaashanaya Ganacsato iyo dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo ay door weyn ku leeyihiin Odayaasha iyi waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana maalintii la dhagax dhigayay halku dhig looga dhigay Xamar ka quraaco Hobyana ka qadeey.






