Ciidamo Ethiopian ah oo agagaarka magaalada B/weyne ka qafaashay dad Soomaali ah
B/weyne 18 Nov. 05 ( Sh.M.Network) Ciidamo Ethiopian ah ayaa lagu soo waramayaa in 5 ruux oo Soomaali ah ay ka qafaasheen degaanka Bacaad oo ka tirsan gobolka Hiiraan ka dib markii halkaasi ay weerareen ciidamada Ethiopianka ah.
Wararka ka imaanaya degaanka Bacaad oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baldweyne ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata labo gaari oo nuuca Ural ka iyo Gaari Cabdi Bile ah ay ka ka xeysteen halkaasi 5 nin oo Soomaali ah oo mid ahaa dadka degaanka Bacaad, iyadoo wararku intaasi ay ku darayaan in nin kale ay jirdil u geysteen.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee ciidamadaasi ay ku qafaasheen raggaasi laakiin wararka ayaa sheegaya in Gaari shalay galinkii dambe ka ambabaxay magaalada B/weyne oo ku sii jeeday degaanka Abaaleey ay koox buircad ah ku rasaaseeyeen meel u dhow degaanka Bacaad, iyadoo halkaasi uu dhaawac soo gaaray Haweeneey hasayeeshee ciidamada Ethiopianka ah ayaa loo sheegay in kooxda burcadda ah ay ka baxeen degaanka Bacaad.
5ta nin ee ciidamada Ethiopianka ah ay ka xeysteen ayaan la garaneyn halka ay geeyeen, iyadoo shalay galinkii dambe halkaasi uu gaaray Gudoomiyaha degmada B/weyne Aadan Garaaso si uu wax uga ogaado dhibaatada halkaasi ka dhacday.
Sidoo kale waxaa jira kulamo ay yeelanayaan waxgaradka iyo odayaasha B/weyne oo looga arinsanayo sidii loo soo deyn lahaa ragga ay kaxeysteen ciidamada Ethiopia.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada Ethiopia ay faragalin ku sameeyaan gudaha dalka Somaliya, iyadoo dhowaan ay faragalin ku sameysay dagaalkii dhowaan ka dhacay degaanka Abaaleey iyo Feerfeer oo ku dhow xuduuda Etiopia iyo Somalia
Ambiyo Nuur Cali
Shabelle Media Network, Hiiraan



