Postby COOL-MAN » Thu Sep 08, 2016 10:39 am
In maalin walba aad ku hadasho af shisheeye ama aad ku qorto waxaad doonto af aadan ku dhalan ama aan laguugu dhalin, laguuguna soo korin, waa laga fiicanyahay, waayo waxaad daaqadda ka tuurtay oo aad sharafteeda ku tumatay hooyadii ku dhashay.
Haddaadan aqoon sida loo qoro af Soomaaliga, waxaad ogaataa in shaqal iyo shibbane aad ku baran karto wax ka yar toddobaad-naxwaha haba kuu dambeeye. Dabcan, haddii af Soomaaliga laguugu soo barbaariyey, waa hubaal in aad taqaan magac iyo magac u yaal, ficil iyo ficil kalkaaliye, tilmaame iyo isku xire oo aadu isticmaasho markastood ku hadasho luuqadaha shisheeye ee laguugu ibtileeyay.
Haddaad la haasaaweyso qof shisheeye ah oo aan aqoon af Soomaaliga, waad kula sheekeeysan kartaa hadba afka aad isla taqaanaan, laakiin in gebi ahaanba aad laaddo afkaaga hooyo, ogsoonoow in aad tahay horseedaha ciribtirka luuqad qaddiimi ah oo la da' ah amaba ka fac weyn luuqaadihii Masaaridii hore.
Guntii iyo gebogebadii, haku xarragoon af guumeeyste, ee bal is yara qabo oo ku soo noqo daadihinta afkii ay hooyadaa kugu soo daadihisay goortaad curdaan aheyd illaa aad ka hana qaaddday.
Source: Somaalisijui.com