Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Expensive Hajj Money-Hajj Scam

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Publicopinion
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 967
Joined: Mon Jun 12, 2017 4:29 pm

Expensive Hajj Money-Hajj Scam

Postby Publicopinion » Mon Aug 21, 2017 3:03 pm

somali hajj goers are scammed,each has to pay 3,800 dollars to go to hajj while in djbout you only pay 1,600 dollars.



August 21 (Jowhar)— Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta dood kulul ka yeeshay soo jeedinta Xildhibaan Naciimo Ibraahim Yuusuf oo aheyd in  lacagta laga qaado xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah, loona baahan yahay go’aan iyo in tilaabo la qaado.

Xildhibaannada aqalka sare ee golaha ka hor hadlay ayaa ka sinnaa in lacagta laga qaado Xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah marka loo eego dalalka kale, iyaga oo intaa raaciyay in adeeg xumo ay wehliso.

Wasaaradda, Safaaradaha iyo shirkadaha duulimaadka intaba waa la dhaliilay, waxaana loo yeeray  illaa 4 wasiir: wasiirka diinta iyo awqaafta Xil.Dr. Iiman Cabdullahi Cali , wasiirka ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, wasiirka gaadiidka dhulka iyo cirka  Maxamed Cabdullahi Salaad iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar Axmed.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa si weyn u taageertay soo jeedinta, iyada oo sheegtay in Senatarada ay matalaan shacabka, shacabkana ay ku dhib qabaan Xajka tagiddiisa, waxaa ay soo qaadatay in qofka Xajka ka aadaya Djibouti uu bixiyo $1608 halka Soomaaliyana laga qaado $3800 oo xitaa meesha la dejiyo aaney laheyn cunto iyo marwaxado

Xildhibaan Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan ayaa waxaa uu isweydiiyay cidda ka mas’uul lacag qaadista: “Waxaan caddeyn Mudane guddoomiye, Yaa leh mas’uuliyadda dhabta ah $3,808 in qofka ka xajinaya lagaga qaado Xamar, Yaa gooyay in Boosaaso oo kun ka badan ka shisheyesa intaasi laga qaado, Yaa gooyay Hargeisa oo Djabuti intaasi u jira in $3800 la qaado, Djiboutina  $1600 laga qaado, Sharciyan cidda leh, ilaahey hortii ma garanayo, Ma cidda diyaaradda leh, ma wasaaradda, Lacagtaas xagee ku dhacdaa”?

Xildhibaan Faadumo Xasan Aden  waxaa ay la yaabtay in iyada iyo wiilkeeda laga kala qaado lacago aan isku dhaween“Waxaa socda meeshan qof inuu ku baxo $1608, aniga wiilkeyga waxaa uu ku baxayaa $3790, marka wax isku dhaw ma aha, markii aan arrinkan ogaadey aniga iyo guddoomiye Samsam waxaan la kulanay wasiirka, waxaan ku niri dadka waa cadiban yihiin, qiimahana waa qaali, Maxaa ka ogtahay? Waxaa uu wasiirka nagu yiri aniga waa ay iga horeysay arrinkan, aniga waan ku cusbahay, waxaan wax ka qaban karaa xajka ama cimrada soo socda, wax walbo cid ayey u xiran xataa maciishadda”

Axmed Cabdi  Xafid Maxamud (Bulsho) waxaa uu qabaa in shaqadii wasaaradda diinta iyo awqaafta ay shirkado la wareegeen “Wasiirka waxaa uu sheegayaa arrinkan waa iga horeysay, waxaan idiin sheegayaa in wasaaradda diinta iyo awqaafta ay shacabka wakiil uga tahay, iyada ayaa xajka ka wakiil ka ah, shaqadii ay qaban laheyn shirkado ayaa qabta”

Xildhibaan Maxamed Amiin Shiiq Xasan waxaa uu ku dheeraaday qaaliga lacagta iyo adeeg xumida shirkadaha duulimaadka“ Lacagta qofka Soomaaliga ku baxeysa iyo lacagta ku baxda dalalka aan dariska nahay aad iyo aad ayey u kala fog yihiin, adeegga ugu liito ayaa loo sameeyaa, Xajka meesha dadka Soomaaliya ka xajiyo tagaan iyo meesha dalalka kale aad iyo aad ayey u kala fog yihiin, duruufo badan ayaa jira, marar qaar qofka Soomaaliga ah ee Yurub ama Mareykanka ka yimaada iyo waalidka Soomaaliya ka tago waa kala fog yihiin, wax walbo hadda waa isku ah shirkadaha, doorkii Safaaradda iyo midkii wasaaradda ayaa meesha ka maqan”.

Xildhibaan Maxyudin Sheekh Cali Jaamac ayaa isna ka sheekeeyay dhibka uu ka maray tagista Cimrada“Aniga sanadkan aan ku jiro Cimradii ayaan tagay, waxaan ka tagay Nairobi, Safaaradbeynu leenahay waan tagay, aniga qura ma aheen, Xildhibaannada ayey u badnaayeen, intii tagtay wax Passporada naga qaado ayaan weynay, warbaa soo baxay, waxaa la yiri, war suuqa ayaa laga qaataa, $700 ku heleysaan, haddii aad dooneysaan in cimrada tagtaan, iyaga ayaa xiriir wada leh, Xajka dhibka waa lagu qabaa”.

Xildhibaan Axmed Macalin Cumar(Nadir) ayaa weerar ku qaadey ganacsatada“Horta lacagta la qaadayo aniga ayaa la iiga qaadayey waa $3850…dadkan ganacsatada ah sida ay rabaan ayey dalka ku soo maamulayeen, wax yac ka dhahayey ma jirin, Xajka ayaad sheegeysaane localka ayey naga heysataa, waa arrin dhiig joojin u baahan”

Xildhibaan Xasan Faarax Xujaale waxaa uu dalbaday in wasiirka loo yeero, lana sameeyo sharciga shirkadaha haga: “Shirkadahan sharci xadidaya ma laha, wax la xisaabtama oo yiraahda sidee wax ku sameyneysaan ma laha, cumrada waxaa ku dhawaaqaya wasaaradda diinta iyo awqaafta,  cumradii maanta ayey furantay, waxaa ay ku egtahay maalintaa, waxaa loo yeerayaa inta ku shaqada leh oo ah imigrationka, shirkadaha diyaaradaha, Bangiga dhexe, mas’uuliyadaas waxaa ay saran tahay wasaaradda, marka waa in wasiirka loo yeeraa, yeeritaanka waa caddeyn, kadib golaha uu go’aan soo saaro sharci lagu hayo shirkadaha wax alle wixii ay rabaan iska sameeya”.

Wasiiradan: wasiirka diinta iyo awqaafta Xil.Dr. Iiman Cabdullahi Cali , wasiirka ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, wasiirka gaadiidka dhulka iyo cirka  Maxamed Cabdullahi Salaad iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa laga sugayaa in ay hor yimaadaan aqalka sare, kana jawaabaan su’aalo ku saabsan lacagaha xajka.

 

Xigasho: Goobjoog News

User avatar
Polus
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 477
Joined: Fri Jul 28, 2017 3:13 pm

Re: Expensive Hajj Money-Hajj Scam

Postby Polus » Mon Aug 21, 2017 3:22 pm

The senators from Puntland, Hirshabelle, Jubbaland & Somaliland made good points during the briefing of the Parliament :Shrug:
Another Senator, Muhayadin Sheikh Ali Jama (Somaliland) accused the Somali embassy in Kenya of colluding with travel agencies instead of providing support to Somalis who want to travel from Kenya. “This year I went for Umrah from Nairobi. I went to our embassy alongside other MPs. We were told to we could get a visa worth $700 from the market but not in the embassy. The embassy has a connection with these.”

“Who decided pilgrims in Mogadishu can pay US$ 3,808 and a similar pilgrim in Bosaso which is far more than a 1,000km to pay the same? How can a pilgrim in Hargeisa pay $3,800 yet one in Djibouti pays $1,600 despite the fact that the two places are relatively close?” posed Senator Abdirisak Osman Jurille (Puntland). Jurille said the travel agencies were setting the law and implementing as they liked.
“The amount of money a Somali pays in relation to those from our neigbouring countries is significantly different. They [Somali pilgrims] are offered the worst service. The palace where Somali pilgrims stay and the places for other people are hugely different,” Senator Mohamed Amin Sheikh Hassan (HirShabelle said.
Senator Hassan Farah Hujale (Jubbaland) said the travel agencies were not accountable and set the fees on their own noting there was no law to regulate them. “There is no law that limits these agencies. They are not subject to any accountability. It is now time to summon the minister to shade light on this matter and the Senate can pass a law to deal with this matter.”


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 54 guests