Magaciisa waxa uu ii sheegay in la yiraahdo Xassan. Waxaan arkaa subax kasta isaga oo fadhiya gidaar aan lahayn hoos looga gabado qoraxda kuleylkeeda. Waxa uu inta badan ku mashquulsan yahay akhris iyo qoraal. Waxaana hareerihiisa aan laga waayin buug, joornaal iyo waraaqado badan.
Maalin dhaweyd ayaa aniga oo garab maraya go'aansaday in aan la sheekeysto. Waxaan weydiistay inaan sawir ka qaado misana aan la wadaago sheekadiisa dadweynaha ku xidhan baraheyga bulshada. Xasan ma aha nin war badan. Wakhtiga aan la kulmay ee sawirka ka qaadayey waxa la joogay wiil yar oo u keensaday cashir layli oo iskuulka uu dhigto looga soo dhiibay. Xasan buu u keensaday si uuga caawiyo ugana shaqeeyo shaqeeyo layliga wiilkaasi loo soo diray.
Anigoo ka faaiideysanaya carwada buugaagta ee Muqdisho waxaan idin ka codsanayaa inaad u istaagtaan sidii loo caawin lahaa Xasan ama farriintaan aad gaarsiisaan ciddii daneyneysa inay caawiso.
Intii aan la fadhiyay waxaan ogaaday in heerkiisa aqooneed gaadhsiisan tahay illaa heer Jaamacadeed isla markaana uu aqoon durugsan u leeyahay luuqadda carabiga oo uu markaasi leyligeeda ku caawinayay wiilka yar ee dul taagan sida sawirka idiinka muuqata. Sidoo kale nin garab fadhiista mar walba oo miis yar wax ku iibiya ayaa ii raaciyay inuu mar walba ardayda ka caawiyo leyliyadooda iskuulka gaar ahaan maadada Fiisigiska.
Fadlan farriintaan sii faafi.
Fiiro gaar ah: ciddii daneyneysa inay caawiso, Xasan waxaan laga waayin wadada Taleex agagaarka maqaayadda Asad. Jid caddaha aada dhanka isbitaalka Xanaano. Wuxuu inta badan meeshaas fadhiistaa inta u dhaxeysa barqadii illaa iyo galabtii.
Sheekadan xiisaha badan waxa inala wadaagay saaxiibkay Maxamed Bashiir Cismaan oo jooga magaalada Muqdisho.




