Baarlamanka Somaliland oo Doortay Gudoomiye iyo Ku Xigeeno Ka Dib Markii Xildhibaanada Muxaafidka ahi ka Dareeren Goobta ,
Hargeysa(HWN)Khudbad Taariikhiya Ayuu ku Furay Madaxweyne Daahir Reyaale Kaahin Kalfadhigii Ugu Horeyay Ee Baarlamanka Somaliland Ee La Soo Doortay Khudbadaasi oo aan idiin Soo Daabici Doon Goor Dhow Iyadoo dhan Waxaanu imika Idiin Soo Gudbinaynaa Doorashadda Shirgudoonka
Madaxweyne Reyaale Kolkii uu Furay Sida uu Sharcigu Dhigayo Kalfadhiga Koowaad ee Baarlamanku waxa La wareegay Gudoonka Gudoomiyaha Maxakamadda oo Dhaariyay Xildhibaanadda Intaa Ka Dib waxa Xilka Loo Dhiibay Gudoomiyaha Xildhibaanka Ugu Da'da Weyn oo ah Mudane Ibrahim Dhaadheere oo Xisbiga UDUB Uga Soo Baxay Sanaag.intaa Ka Dib waxa uu Dhaadheer yidhi Shirku waa inoo xidhan Yahay waa inoo Sabtida si aynu u Doorano Shirgudoonka Laakiin waxa qaylo iyo buuq la Kacay Xildhibaanada Mucaaridka oo Diiday in uu Shirku xidhan Yahay Waxayna Codsadeen in la is Raaciyo Doorashadda Shir-gudoonka , Xildhibaanadda UDUB ayaa la Baxay Gudoomiyaha Ugu Da'da Weyn Ibrahim Dhaadheere Laakiin kuwa Mucaaridka Ayaa is Habeeyay oo 47 Xildhibaan ahaa waxayna u Doorteen Xildhibaanka Ugu Da'da Weyn Maxamed Cumar Jiir Gudoomiye, waxaana La Doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland ,Sida uu Sharcigu Dhigayo 42 mudane ayaa Dooran Kara Shirgudoon Kooramkuna uu ku qabsoomayaa, waxaana 47 xildhibaan u Doorteen Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdiraxman Cirro,waxa Gudoomiye Ku xigeen loo doortay Abdiaziz Maxamed Samaale Waxa Ku xigeenka Labaad 2 loo dooratay Baashe Maxamuud Farax ,
intaa Ka Dib waxa khudbado halkaasi ka Jeediyay Shirgudoonka La Doortay Waxayna Cambaareyeen Xildhibaanada UDUB iyo Gudoomiyaha Ugu Da'da Weyn oo ay ku tilmaameen in uu majara-habaabiyay Xilkii loo igmaday,
waxanu gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Somaliland Cabdirahman Cirro uu xidhay Shirka Waxaana Gudoomiyaha uu u sheegay xildhibaanada in ay yimaadaan Maalinta Sabtida
Booliska oo Tacadi kula Kacay Saxaafadd iyo Xildhibaanadda iyagoo ugu Soo Galay Hoolkii ay ku jireen ee Baarlamanku fadhiyay Si ay u Soo Kala Dareeriyaan,
Booliska Ayaa Xoog ku galay iyagoo sita Dirayskoogii iyo qoryahoogii Suxufiyiinta ayaa laga Jajabiyay Kamaradaha Musatfe Janaale oo warka ka Soo Tabinaya Xarunta Baarlamanka Ayaa Sheegay in uu Dhowr Jeer ka Dhacay Misaska iyo Kuraasta Ka Dib Markii la isku Jiidhay Meesha ,..Suxufiyiinta ayey boolisku Garaaceen TV-ga Madaxbanaan ayaa laga Jajabiyay Kamarado Qaaliya waxa Feedh lala Dhacay Tafatirayaasha Wargeysayda Somaliland Iyadoo Loo diidan yahay in ay Faafiyaan warka Baarlamanka,
Suxufiyiinta oo Dhinac ah iyo Booliska Ayaa feedh iyo is Dhex Yaac ah ayaa ka Bilaabmay Dhismaha Hoolka baarlamanka ,.. la Soco Warbixinta oo Dhan waxa haya Mustafe Janaale oo goob joog ahaa.
Mudaharaad ka Dhacay Hargeysa oo ay dhigeen Ardayda Faarax Oomar,oo uu ku Dhintay Arday iyo Xaaladda Magaaladda oo imika Dagan Ka Dib Markii Bandoo lagu Soo Rogay Aaga Shacabka




