Jaad la’aan ka jirta magaalada Hargeysa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
incognitoo
Posts: 25
Joined: Wed May 24, 2017 11:11 am

Jaad la’aan ka jirta magaalada Hargeysa

Post by incognitoo »

Talaado,Feberaayo 13,2018 (HOL)- Somaliland ayaa maanta laga dareemay Qaad la’aan ka dib markii Itoobiya laga joojisay jaadkii ka iman jirey ee lagu cuni jirey Somaliland.

Dadka cuna jaadka ayaa maanta u ahayd maalin ku adag, waxaanay dhex wareegayeen suuqyadda magaaladda si wax yar uun usoo helaan oo qaadiradda iskaga jabiyaan, waxaana goor dambe la keenay jaad yar oo qaali ah iyadoo Rubucii jaadka ahaa oo markii hore konton kun oo Somaliland shilling la siin jirey maanta lagu iibinayey boqol iyo konton Somaliland shilling, waxaanay jaadkaasi qaali garoobay keentay in dadka qaar isku dayaan inay boobaan, inkastoo markiiba ciidanku soo kala gaadheen, haseyeeshee dad gadoodsan ayaa ku qamaamay jaadkan yar ee yimid ee waliba qaaliga lagu iibinayey.

Qaadka ayaa la hakiyey saddex cisho, iyado wararka sheegayaan in munaasibada qaran ee Itoobiya darteed loo joojiyey, halka qaar kale sheegayaan in shalay isku dhac kale ku yimid Oromadda iyo Soomaalidda taasina ay keentay qaadka la joojiyey.

Haseyeeshee illa hadda dawlada Itoobiya iyo Somaliland midna kama hadal, haseyeeshee dadka ka gacansada qaadka ayaa sheegay in sababta loo joojiyey tahay isku dhaca ku yimid Soomaalida iyo Oromadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6005
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K

Re: Jaad la’aan ka jirta magaalada Hargeysa

Post by gobdoon »

Safe your hard currency if you use balwad you must grow it or make it yourself or else you would always be slave to its makers.
User avatar
CigaalSHiiDaaDCFC
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9428
Joined: Tue Apr 24, 2012 1:34 pm

Re: Jaad la’aan ka jirta magaalada Hargeysa

Post by CigaalSHiiDaaDCFC »

Qamaams were behaving like animals lol
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”