Postby BestPlaya » Wed Nov 28, 2018 5:26 pm
Gabay 2: Tixda Santar-Laydh (Satellite)
1.In dhawaydba suuganta gabay ,waan ka saahidaye
2.Sadrigiyo qalbiga waataan ka jaray,sadarkii dheeraaye
3.Caawana hadii laygu saray,soofaan marine
4.Sidii aabahay iyo Xarbiga,suugaantii sheekh Faarax
5.Sarbeebtii Ismaaciil Xirsiyo ,Samatar maan sheego
6.Maan wabiga siiqaha iyo gacamo,sii daayo
7.Dadka kii ka seexdiyo ,kii sugayeyba loo yeedho
8.Meeshiyo salaadii kolkaa,sowdka maqashiiyo
9.Sifada,awoodiisa ,iyo saatirnimadiisa ilaahay
10.Samayntii aduunya ,kolkuu samada uu taagay
11.Dhulka hosana noo sallaxay,siigiyo boodhba
12.Ee sulux banaan kama dhigine,midho kasoo saaray
13.Marna sabar xareeda iyo biyaba ,aayar naga siiyay
14.Ee Makhluuqa saadee,dhamaan suuq ukala yeelay
15.Nafba saamiguu u qoray,aan midka kale siinin
16.Ee dharaar siraad ah iyo habeenba saacado u yeelay
17.Ee samada roob nooga furay,yaa sujuud mudane
18.Sababtuu u jeedaa ahayd,suubanoow nabiye
19.Sala-waatulaahiye rasuul,salaxdiibaa nuur leh
20.Kolkuu Aadan soo saaray ,oon wadan saaxiibo
21.Sujuduu iblays diiday iyo amarkuu siiyay
22.Waa kii sidaa lagu nacladay ,saa'idi waa naare !
23.Sarartii la jeexiyo kolkii feedha laga saaray
24.Ee Xaaawo sawj looga dhigay ,ubadna uu siiyay
25.Qaarbaa ilaahay samiyoo ,saaqidaye
26.badhna saalixiin iyo ambiyo,saafigii noqoye
27.Seef laysku qaatiyo ,warmo ,sun iyo waabeeyba
28.Isa seegu meeshuu kadhacay,sababtii weeyaane
29.Soo-raaca diintiyo,kuwii sanamyada qaatay
30.Labadii safay kala noqdeen,laysma saamixine
31.Mucjisooyin baan kuu sawirayaa ,saad u garataaye
32.Ree Nuux biyaa lagu salliday ,subax arooryaade
33.Intuu doonta saaraa baxdoo,lagu salaam yeelye
34.Namruud samada leebkuu u ganay,sii wax loo mariyay
35.San kaneecadii loo diray,yuu salalay gaalkiiye
36.Madax ii sameeyuu kuyidhi,kaaba waan sidane
37.Kurka seef looga jaruu,siiyay amarkiiye
38.Caadiyo Samuud ,fircoon suu u baabi'iyay
39.Waa waxay sameeyeen ,kolkay samihii diideene
40.Ree Luudna raguu saartay buu ,eeday sababtiiye
41.Malaaigo sayaaxayoo ,suuro aadmiya leh
42.Oo Salaaamay nabigii ,waakay socoto moodeene
43.Dabkay saartay habartii,qoryuhu seey u ololaane
44.Samadaa dhulkii loola jaroo ,loo gambiyay saase !
45.Socod dheer ninkii kaga maqnaa,dahabna sii qaaday
46.Arbiciin dharaaraa lasugay ,socotadiisiye
47.Sadex kunoo maroodiya ,ninkii subax kusoo duulay
48.Ee yidhi "kabcada saan u galo ,saaka ila dhowra!"
49.Sawaariikhda naarta ah ,shimbiro amarkii loo siiyay
50.dhakaday ka saareen ,midh qudha lalama seegayne
51.Saacad qudhaa lagaga dhigay,saxar caleemeede
52.Saasuu Abraha ku lumay ,Geeshka uu sidaye
53.Siduu doono ma helo Aadmigu,inuu sameeyaaye
54.Waxba arartu yeyla siqine,waxaan Ku sii daayey
55.Sugaan laguma koobi karo,samanba taariikhe
56.Sidaaseey aduunyadu ahayd ,waa silsilad dheere
57.Ha yeeshe su'aal baan kudari ,saad u garataane
60.Hadaan gudinta soofaha lamarin ,sirrila aan duugin
61.Oo sidada daabkii ku jirin ,qori ma seerteene
63.Hadaan mindidana saayaq tumin,hilib ma saafteene
64.Oo saawir beey noqon lahayd ,seed aan kala goyne
65.Salka qarafka baaruuda ,hadaan gumaca loo saarin
66.Oo maarta saab looga dhigin,sarana loo jeedin
67.Oon loo samayn Keeb ,dubuhu leebka koru saydho
68.Sumuc iyo gataallaha dhacaa,sowd ma bixiyeene
69.Ragna saanta wayniyo hilbuhu ,sad uma gooyaane
70.Waa siinta Eebahay caqligu,Suurad gooniya e
71.Ha yeeshee sadar kalaan ku dari ,saad u garataaye
72.Dhanaan saa u wayn malaha ,hadana sayri waa milixe
72.Lama cuno sideedaba ,hadana seedi waa hilibe
73.Sanqashadu dhawaaq maleh,hadana waa tilmaan sugane
74.Sallaanna maaha jiidsin,hadana waa dul socotaaye
75.Saawiri af maleh ,ruuxna weey sari taqaanaaye
76.Biyo soor ma yeeshaan,hadana waa la sahaydaaye
77.Nafta wad isma seegaan ,hadana maaha saaxiibe
78.Sir-ma-qabe lilaahiyana ,biyo saabuu celiyaaye
79.Maan sarbeebtiyo murtida ,egaba kala saaro
80.Aduunyada sarraayiyo naxdini,kama sal guuraane
81.Salna ma aha raadkeedu,waa socotadaa dheere
82.Saamkiyo gantaalada dhiciyo,ololka sayruuqa
83.Kaarahan salloolmee ,birtiisa saxaraha moodo
84.Sunta qaraxday, Naabaalkiyo siigo gubanaysa
85.Samadiyo dhulkaba weerarkaa ,dunida saameeyay
86.Sawaariikhda dhici ,yaad hilaac sarartii moodaaye
87.Samanka aduunkiyo waqtigu,subaxba waa nooce
88.Santar laydhkaan diree,hawada qorayey saadaasha
89.Wuxuu sugay,wuxuu sigay ,wuxuu suxufigii sheegay
90.Sawirkiyo cajaladii,wuxuu filinku soo saaray
91.Somalia ,Ugaandhiyo Hindiya ,Suuqa Ree Yuruba
92.Saxaraha Carbeediyo Kuweeyd ,midowgiu soofyeeti
93.Sanciyo Cadan wixii ka dhacay,tan iyo Soodaanba
94.Falastiin sadkeedii ,yuhuud kuma sagsaagteene
95.Sodonkii Ciraaq weerartiyo ,sababkii loo jeeday
96.Suxalkii Ameerikuu ku dhici ,waa la sugayaaye
97.Iyagana wixii lagu sallidi ,saa-dambuu imane
98.Samirkiyo midnimaa ah,wanaag lagu sal gaadhaaye
99.Sad ma moodo doqontii,carrada saafka loo dhigaye
100.Saar buu dadkaygiina tuman ,sabab la'aaneede
101.Sayid maxamad diide! Xarbiyo sulubadoodiiye
102.haday saajacyadii maqlaan samo u baaqeeysay
103.Oo suugaamahoodii tix galin ,lagu samaynaayo
104.Sadex looma qaybsheen ,xuduud lama sameeyeene
105.Sabool kamaan ahaaneen ,xornimo lagu sayaaxaaye
106.Nukleer aan samayniyo ,hubaad sidan lahaydeene
107.Sancaad baran lahaydeen, intaad samada gaadhaane
108.Waxa saa inoo galay waa midnimo sahashigeediiye
Last edited by
BestPlaya on Wed Nov 28, 2018 5:44 pm, edited 1 time in total.