Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Guba poems -the ultimate show of poetic excellence

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Guba poems -the ultimate show of poetic excellence

Postby Seedyare » Sun Nov 17, 2019 7:13 am

Forget about the primitive clannish squabbling let's take time to appreciate the great work of art .


I rated the very best of Guba poems in this particular order .

1.Dabuub --- Qamaan
2.Dira-diraale--Calidhuux
3.Murdud reebe --Ina Dage
4.Haadaaqsi---Salaan

Cilmi Carab 'L' poem is my fifth best.

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Guba poems -the ultimate show of poetic excellence

Postby Seedyare » Sun Nov 17, 2019 7:28 am

Caliyow dabuubtaada gabay, Daa’inkaa wadaye
Dabaylaha xagaagii dhaciyo, daafigaa sidaye
Noo dooji dooggiyo sidii, Dararta xoolaad e
Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daawayne
Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye.
Anna waa ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoowe
Daaraan garbaha qoon ku laad, damaqday Dhuuxoowe
Dibirrooti buu dhacay raggaad, dabaqadayseene
Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya
Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane
Dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan celine!




Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!
Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin
Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin
War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?
Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e?
Dal-dhahsiga danaasaca la mood, dowr inaan ahaye
Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye
Dubbihii ku dhacay dhinac Barwaaq, degi ad maysaane
Daadduunka caydheed raggaa, dibadda meeraaya
Docmo iyo Hartaa lagu ogaa, dalawadoodiiye
Cali-Geriga Daadhiin shalay, naga durduurteene
Waa kaa darfiyey caanihii, Dagiyo Heemaale.
Anna waxaan dibbiray waa dagaag, deyro soo xulaye




Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo
Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo
Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane
Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,
Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?
Hadday debecdo waw hiilisaa, doqon walaalkeede
Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane,
Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dano sheegan?
Duunyada fardaha maalintaad, Deleb ku qaadaysay
Sidii duul Amxaaro ah markaad, nagu dabraynaysay
Intaad haatan ii laba dublayn, muu damqado jiidhku?
Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?




Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
Iyo kii “duleedshaay!“ ku yidhi, wax isma doorshaane,
Dakanadayda yaa kaa xigaad, igu danayn haatan?
Aar soo dibjiray neef hadduu, daacuftii geliyo
Oo kaga digsiiyoo ilkaha, dhiigga kaga daadsho
Dugaaggaa yaryari sow kan cuna, duugga hadha maaha!
Aday dilaye goormuu Isaaq, Doollo iga qaaday?
Maxaa libinta Daarood lahaa, Dabacayuun siiyey?
Hadday Dubuxul uga heesayaan, dacarna waan siine
Ma wayse haatan daab iyo ul, kaga cabbaan dawlis?




Bulsho Daalis oo dibi dhaloon, loo dambarineynnin
Oo kii lahaa diiday bay, sidigtu doontaaye
Kuwaan derisnay Dooxeer haddaan, sebenka daadduunsho,
Waxa adiga duug kaaga noqon, bayga degi waayay!
Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta
Kuwaan dahannay diricay dhaleen, waa dareemada’e
Muslinka haygu didin yaan Iblays, dowyo kaa ridine!
Darka jabay dullaalkiyo dhulkuu, dadabku meeraayo
Deeqaa Ilaahay halkuu, xuliyey daadkiisa
War ii daa dugaag iyo Hartay, igaga deyraane!



Iiddoor se Dir weeyee hadduu, duullan soo bixiyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo gooyo
Dunbuq iyo rasaastana hadduu, Debecsanow siiyo,
Horta yaa la da’a wayla yaab, dawyadaad mariye?




Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye
Diinkaan akhriyey way imaan, Dooy raggii jiraye
Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirine
Ma dammaniye daynkayga waa, dabaggelaayaaye
Idinkuba darkii Caynabaad, deris ku taalliine,
Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare!
Ama na daaya waa wada qabnaa, daawashiyo ceebe!



Caliyow da’daan ahay waqaa, looma duurxulo’e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene
Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane
Dayib uma yiraahdaan jeeroo, hawli daashado’e
Nin walaalki doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
Dalkaad Ina-Adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye.



Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.



Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode
Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,
Allay diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane


Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Guba poems -the ultimate show of poetic excellence

Postby Seedyare » Sun Nov 17, 2019 8:15 am



Doqonkii Ugaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide
Niman baa dalkoodiyo xukuma, labadi daaroode
Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane
Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde.



Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo
Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto
Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye
Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdebo’e
Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye
Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore
Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe
Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye
Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.



Wardheer aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah
Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane
Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne
Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’e
Dar Ilaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye
War sow sida Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan!



Makaahiilku Dooy uma kaceen, degaya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki Haarweyne
Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye,
Dullinnimo inay qaayibeen, waxa daliilkiiya;
Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo, ma laha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiye
Dadka uguma liitaane’e way, diriri waayeene.




Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
"Da’dii" aan ka qaadiyo miyaan, "Deelka" ka habawshay
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye
Dacwad kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey;



Dadka waa la wada laynayee, waa u darraydeene
Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodan, waa dagaagnimo’e
Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma maalaane
Ina-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye
Dan baa tiriye lama duudsiyeen, Dirirki dheeraaye.




Aniguba dubkaan uga nixiyo, diirka oogada’e
Ma damqado’e kii dad ugu xigay, waa durduriyaaye
Ilmo Dacarba duur bay indhaha, dubuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay, kama dambaysiine
Degdegsiiyo waa tay ciyoow, duqaq u laayeene.
Nimaanse aabbihii danashyo dhalin, looma duurxulo’e
Dib baa looga yaabiyo inuu, kaaga sii daro’e
Dagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki Reer Sharace
Dunta boqorka nimankii sitaye, duubi jirey shaalka
Bal muu duro waxbana yaanu dilin, doorarna u layne,
Geerida Hurraha diidey bay, darajo dhaamaane!




Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga;


Maansadan dad wada qoonsadaye, diradiraw qaatay
Diin run ah daliilkii sharciga, yaan ka daalacaye
Dembi inaanu iga raacahayn, wax u daliilkiiya:
Daahyaale geelii la helay, waa kan Dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo Cadaadeede
Derrin iyo afkii Daadmareer, kuma dareershaane
Dahab waa tan iyo qaalmihii, deyrcadka ahaaye,
Durmad quruxsanleeyey ma foga, Dalawadiinniiye
Dambarkiisu waydiin uraa, waana dabataane,
Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye
Dubuxul baaba lagu sii wadaa, dararti Baarjeexe.



Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;



Nabsigu waa daruuraa cirkiyo, sida dabeeshaase
Dersinkii wax qaatuu la’yahay, deynki godobeede
Daa’iradu maantay waddaa, duulashii galaye
Xaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaaya,
Naagaha ilmada duugayee, diilalyadu hayso
Daa’imo haddaydaan ahayn, dagay xaqiinniiye
Dagaalna waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane,
Doqonyahay ka kaca meeshan aad, dacayda laallaadin!

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Guba poems -the ultimate show of poetic excellence

Postby Seedyare » Sun Nov 17, 2019 9:03 am

Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraarka
In dhoweyd Habbane Faaraxow, hab uma luuqayne,
Huqda wax igu reebaan arkayo, waan hanganayaaye
Halaaggii ku dhacay Reer Barwaaq, holaci loo geystey
Haaraankii Cali Aadankii, nagu hifaateeyey,
Kuwa hilinka Bari qaadayow, hal iga gaarsiiya!




Raggaad hurisay hiihdii ma dayn, haatan ka horrow dheh!
Isaaq waxaan la daba heetinnaa, heenso godobeed dheh!
Anigoo hamuun qaba waxaan, halawda dhawrtaaba,
La hubsaday hoggaankii nabsigu, hiil u soo waday dheh!
Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saami buu helay dheh!
Hurre wuxuu gambiyey hayb dhan aan, hali u soofayn dheh!




Togga huran hundaha Ceeliseed, harada Gaaroodi
Haaruun Maxaaddaad halkuu, Halab ku beeraayay,
Hogga Dubuxul Hoosada bankiyo, Hallale meeshiisa
Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harasan guudkeeda
Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeen dheh!
Gabaggabo kob aan lagu hantiyin, heelka lagawaa dheh!
Hootada waxaa lagu hanfaday, dhagixi Haarweyn dheh!
Kuwii dalagga lagu hiifayaa, Heenyo saanyadaye

Waatay Berbera haybsadeen, habaqlahoodii dheh!





Idinkaa dalkiinnii u huray, Habar Xabuusheede
Hambo-raacin mooyee horaad, uga hagaagteene
Garaad Faarax goortay hogsheen, haatan ma ahayne.
Hanan weyde ceelkii Badweyn, haradi Ceel Dhaabe
Ka hulleeshe heelkii dhexiyo, haatan Caynabo e
Nimaan Habar Jecliyo Muusayaal, ugu hagaagaynnin
Inuu dhagaxa hoos uga degaa, haniyo weeyaane.



Nimankii Nugaalba hantiyaye, horinna loo waayay,
Iyagoon u hawl gelin kuwii, habacsadee laastay,
Maantay halyeygii dileen, Hagar u noolaa dheh!
Hab wanaagsanow Ina-Camey, halanqihii mootay,
Haad iyo waraabaa habqaday, halabki dheeraa dheh!
Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diideyn dheh!
Dadku kala hannaan quruxsan oo, haybad kala roone,
Haldhaa-kacay-la-moodyow markuu, hab u taxaashaayo!
Haashaashka laafyaha markuu, hagac ka siinaayo,
Hanqalkiyo hareedkiyo gadhkiyo, dhabanka heemaalka,
Iyo horin-ka-roonow ninkaa, qiimo lagu haystay!
"Haq!" waxaan iraahdaa markay, igu hanqaaraane.




Hab hadday martidu soo tiraa, heelka gurigiisa,
Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, Halab la siiyaaba
Anfacada haddii laga hambado, huri ogaantiisa.
Harka geedka fagaaraha markii, la hindisoonaayo
Nin xun baa wax habayaaqiyoo, haatiyoo dila’e
Arrinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa
Hindisaha ka doodka ah markii, la hanjaboonaayo
Meeshii sarbeeb lagu hayaan, had iyo qoob joogin,
Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa.




Halaakada colaadeed markii, la isku hiifaayo
"Hayaay!" iyo "hayaay!" maalintii, la isku haaraamo!
Fule baa habaarane naftii, hibada loo yeelay.
Nin xigaalkii soo haybiyay, gacalki hoomaayay,
Heensaha gammaan lagu heliyo, hal iyo awrkeed dheh!
Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiis dheh!
Intaasuu halyeygii lahaa, hadiba maayaane
Anuun baw hilloobaye tolkii, uma hadaaqaane




Handan maayo Hagar Aadan oo, waa hundhurayaaye,
Allaylehe halaag baa ku dhacay, hebelladoodiiye!
Shirshooruhuba waa habacsan yahay, Khaalid Habarwaaye
Is hoogaamin mooyee arrimi, waa ka huruddaaye
Haasaasahoodaan ka garan, inay hungoobene
Inay aayahoodii helaan, waa ka habartoode,


Waa laysku huguguulayaa, haybta guudnimo’e.
Hilbaa lagu hirtaa maalintay, hedi timaaddaaye,
Hambaduu ka tegay Xaaji Cumar, hogoshyo weeyaane
Ma xillaan harraad kulul geleyn, huumi dirireede
Caydiid nimuu waran la helo, lagu hankaageeye
Bah Ugaadh hillow kuma jiriyo, nimay haleelaane
Hiyigiisu Reer Maxamed waa, geel hawadintiise,
Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel yiraahdaane.


Hafri maayo oo Ina-Sii-Arag, habas ka liitee’e
Halo raacid mooyee si kale, looma haybsado’e
Hankii Cali Durraan lagu ogaa, hadalki beenowye
Wuxuu Ina-Baxnaan haybsadaa, malaha Hiiraane,
Hadduu haybad leeyahay arlada, wuu ka haayiraye
Allaylehe habkii gobi lahayd, hure wanaagiiye.

Illeyn horin dhan lama goobo oo, gabey halkoodiiye,
Haadaa-qabiil niman ahoon, habar wax yeeleynnin
Oo hanaddadoodii la jaray, hiil u geliwaayay,
Ogoobeey haween iyo carruur, ma hawo dhaamaane!
Hartay oga dhasheen ficil rag waa, kala hagaagaaye
Waxay hilib wadaagaanna waa, higilka Daaroode
Hanti ay gaar ugaga qaan baxaan, heli ma waayeene
Waxay la hamradaan wayla yaab, hiil Allaa jira’e





Ragse godobti waa haybin jiray, heeray gaadhaba’e
Haddaad aarihiinnii heshaan, haaddu kala weyne
Haramcad iyo weer iyo libaax, kala hagaag roone
Bahdii nimey ku heedhaa qabiil, laga hawaystaaye,
Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda,
Ama aan Maxamed lagu haanka jarin, haalig la afeeyey,
Heegaduu fadhiyay Muruqliqaan, heermi laga yeelin,
Faarax-Suusle aan lala hormarin, gumuc haliilaaya,
Ama aan Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinnin.



Haddaydaan raggaa hidin karayn, Haabin laga eegto,
Ku hungowde Habar Yoonis aad, Hawd ka dayataane,
Kuwa suuqa haashaynayiyo, hebello raad gooba!
Halkii kiinna lagu haanka jaray, dhiig ku hagac siiya!
Nafta hura iyadoo heedhay hibasho reebtaaye!
Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiinna!






Murdud reebe

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Guba poems -the ultimate show of poetic excellence

Postby Seedyare » Sun Nov 17, 2019 11:32 pm

Following the British air raid of the dervishes and the defeat of the sayyid by the HUWAN mercenaries ,the ammunitionized Iidoor started a massive war campaign against the Ogadens.As a result, Ogaden lost a huge chunk of their lands .Notably Doollo and parts of Jarar were lost to Habarmagaadle section of the iidoor .

QAMAAN BULXAN

Iidoor Dir weeyee hadduu, duullaan soo bixiyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo gooyo
Dunbuq iyo rasaastii hadduu, Debecsanuhu siiyo (gaalku)
Horta yaa la da’a wayla yaab, dawyadaad xuliye?



Maxamed Cumar Dage:

Haddaan gaalku noo dilin Isaaq, dalab ma maaleen dheh

Cilmi Carab (dhuloz)

Layliga laxaad lihi haween, waa luggoyn jiraye
Haddii aan nin ragi loodinayn, dumar ma liicshaane
Leeleeshe gaaladu haddaanay, kugu lamaanayne
Adba ilama aad loolanteen, oo Lillaahiya e
Libna iga-walaad haysateen, Ladanna maasheene


Jaamac Xirsi Guuleed (Iidoor)

Dagaal iyo dhac waa loo ogaa, duul shisheeye ahe
Iyaguba kun jeer bay dunsheen, dawladda Isaaqa e


Due to hostile policies of thr imperial British and their iidoor foot soldiers, Ogaden moved en masse to DOOY (present day Waamo ) .Iidoor played skillfully with Ogaden , After a massive land grab , Habaryoonis married off the very best of their daughters to ree Cabdille as a kind of appeasement.Qamaan mentioned that in his epic poem ,Dabuub.


Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta

Kuwaan dihannay diricay dhaleen, waa durreeemada e

Muslinka hayga didin yaan Ibleeys, dawyo kaa ridine



Qamaan was hopeful to reorganize the Ogaden might by calling back those who went south (DOOY)


Diinkaan akhriyey way iman, Dooy raggii jiraye

Dunji  maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirinne

Ma demmaniye deynkayga, waan dabagelaayaaye



The great poet Ali dhuh (Radiyallu Anhu ) came to the rescue of the Ogaden .He recited arguably the greatest poem of all time to entice an scattered clan so that they could regroup and win back their looted territories .This the part that really moved and awakened the sleeping dragon .Ali dhuh's poetic excellence was second to none.


Daratoole iyo Faafan oo, wada durraabaaya
Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane
Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde.

Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo
Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto
Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye
Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdebo’e
Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye
Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore
Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe
Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye
Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.

Wardheer aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah
Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane
Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne
Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye


Qamaan Bulxan , though his tribesmen were appeased with ladies by the invading HY,he very much liked and appreciated the sheer relevance of Ali-Dhuh's Diradiraale poem.

Qamaan replied

Caliyoow dabuubtaada gabay, daayinkaa wadaye

Dabaylaha xagaagii dhiciyo, daafigaa sidaye

Noo dooji doogiyo sidii, dararta xolaade  

Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daaweyne

Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye

Anna waan ku diirsaday, Ilaah derajo siiyoowe


Within a short period of 2 decades , Ogaden finally drove away the invading mercenaries of the British .When the seven priced wells of Doollo were fully under the dominion of Ogaden, A 20year old INA DAGE generously answered to the harsh poems of Calidhuh .Eventually Calidhux agreed to Ina Dage poems and he recited the short verses of GUN BAAN AHAY ...which indicated the inability of Dhuloz to dislodge the naughty Habar Xaabush rats .


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 20 guests