Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The Greatest poet of all time -M.C.Xasan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

The Greatest poet of all time -M.C.Xasan

Postby Seedyare » Mon Dec 02, 2019 6:33 am

This a thread dedicated to the poetry of Sayyid Maxamad

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: The Greatest poet of all time -M.C.Xasan

Postby Seedyare » Mon Dec 02, 2019 3:03 pm

GEERAARKII XIIN FINIIN by the poetic master SAYYIDINA M C.XASAN


Xay guduudan la moodyow,
Xamar weeye korkiisu,
Waa xiddaayad sideedee,
ma xariir cusub baa?

Afku waa xolxolkaasoo,
Ilka loo xanafeeyuu,
Xakamaa la dhacaayee,
ma xandaad bir tumaa?

Bacaarka xolkiisiyo,
sanka xiifta ka yeeri
Wiyil loo xanafeeyoo,
Xaryamaaya miyaa?

Hadduu qaylo xakaaraa,
Xaryankeeda dhegaysto,
Dheguhuu xukinaayo,
xawdh la taagay miyaa?

Surka xaafadda weynluu,
Xulkiyaa hojiyaa,
Xaddii weeye dhexaade,
Xakab loola miyaa?

Geedku waa xaasoowgaasoo,
waa xayaaba galbeedoo
Waa xareed midabkeede,
Xinni tay ah miyaa?

Dusha xaarad bannanoo,
Xasil loogu fariisto
Xagna looga dhacaynoo,
Xukumaysan miyaa?

Fanku waa xaraf weynoo,
Xawaal weeye korreysee
Gumburkii Xalimeed iyo,
Xaaridheer miyaa?

Qanaantuu xarfinaayoo,
Xiisaddeeda lulaayo
Xin xabbaas ka karaayiyo,
Xusur dheehan miyaa?

Haddaan xeebta ka fuulo,
Ximan reeraha yaal
Xigsintuu u tagaaye,
Xanfar duuli miyaa?

Anna lay xaradhaami,
Asna xerya ballaaran ,
Xariir loogu shubaaye,
Xilka-dhawrsi miyaa?

Haddaan qoofal xigoodaa,
Xaafidaad ugu dhaado
Xurguftuu dhutiyaayo,
Naafo xuurrin miyaa?

Haddii layga xubeero,
Xididdow bixin maayaan
Xabeebtiisa ku raagiye,
Xabbadkayga miyaa?

Xaya waaga salaadda,
Haddaan oodda ka xaydo
Xareedkuu gurxamaayo,
Ma Iiddoor xuja laa?

Haddaan guuro xabiirro,
Xawaadeenka dhacaayuu
Xijaab iiga dhigaaye,
Xuddur awdan miyaa?

Haddaan xuurto baqoollo,
Xor dallaala sideeduu
Xanfigiigga ceshaaye,
Xaaxi layra miyaa?

Xiito meelay ka fooftay,
haddii weerar la xuubsho
Waa xufoo lama gaaree,
Ma dhashii IS-XUL baa?

Hadduu xoolo gelaayo,
Magaan waa xannibaado
Xarraan waa isxiraaye,
Xiddig duusha miyaa?

Taxaabaa ima xiisoo,
Dibna iima xabbaasoo
Horuu ii xorxoraayee,
Ma xayuunta baraa?

Goortuu soo xaryamaayo,
Xayigii daba jooguu
Xalqadeen ku dilaaye,
Ma wad loo xukumaa?

Hadduu soo xallinaayo,
Xiiso aan u qabnaa baan
Loogu xeebanayaaye,
Ma xays noo da’ay baa?



GQLABAYGII XIIN FINIIN


Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye

Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne

Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye

Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye

Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni

Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane

Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye

Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye

Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye

Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye

Nin kalaan xafiidaba adaan, xaaydda kaa rogaye

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto

Xayow iyo Qayumay haddii, la igu xoodaansho

Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye

Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone

Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag

Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye

Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e

Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane

Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule

Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge

Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe

Xayskaa da’ayaan lahaa, Xalin ka doodeeye

Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye

Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode

Xujeeyreebta reer Hagar anaan, xubashyadii ruubin

Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan

Xaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf lagu yeelin

Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane

Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise

Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi Iiddoore

Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane

Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe

Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne

lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye

Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye

Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane

Mar hadduu suldaan  igu xil lihi, igaga xayddaantay

Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.






Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: The Greatest poet of all time -M.C.Xasan

Postby Seedyare » Wed Dec 04, 2019 1:06 am


Xuseenow jigraar lama hadlee, jaalkay baa tahaye
Adaan iga jadeer wicin markuu, Jaahilkii didaye
Janhoo adaan qaban markuu, jiitay gacalkaaye

Raggaan gaalo jeefaafi waa, ehel jaxiimaade
Jahannama inay gelahayaan, waygu jaamaca e
Adaa jamalka soo raray markay, janan u guureene

Junne weeye ruuxaan ahayn, jaadka aad tahaye
Dadka kale ka jeestaye adaan, jaari kuu ahaye
Waxaan kaa jarreeraynayaa, sanada jiilaale

Sagal jiidan caad jilicsaniyo, jarar hillaacaaya
Jidhimada afkaa marahayiyo, jababka ceegaaga
Jaqaqarida geedaha noqdiyo, xamashka oo jiiqle

Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka ka bi'ine
Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jowhartii gabaye
Jawiskayga maqal caawa waan, jalalabaayaaye

Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigayga
Anigoon jareexiyo xumaan, juuq la ii odhanin
Anigoon rag ii soo jirfaday, jil iga qaadaynin

Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya
Anigoo jameecada galoo, jaarrun xaruntayda
Anigoo wixii aan jantaba, jimic lay siiyo

Jamradii adduunyada anoo, jimicnimow haysta
Karuur jagagaclayniyo anoo, jaanka fuudahaya
Anigoon jarraysimo hunguri, la iga jeeqaaqin

Jaanjaani baa iga khatalay, johoraddaydiiye
Hawo nimaan ka jigan baan ahoo, jiiro dheer koriye
Waxaan ahay nimaan jare aqoon, sida jaguug awre

Jawaawida Majeerteen hadday, jalawdi ii yeedhay
Inaan joro ku sii dhaho hadday, igaga jeebnaatay
Jiidaha Illaahay haddii, la igu jeeraarshey

Xagar jiqa jaleefaniyo qudhac, jinow wax heeraaya
Jiqtoolaha galooliyo sarmaan, jarafku xiimaayo
Jimbac surad leh jiiqoo isku baxay, jiica iyo siiqda

Jillab xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh
Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi, jeerin iyo yooco
Jirda badan jiroon iyo qadhoon, jaaful iyo seeri

Jafka hawka guuraha waxaan, jar iska xooraayey
Wuxuu jeeni calafow libaax, igu jibaadaayey
Raadkaan ku jiillaa wuxuu, daba jadeemaayey

Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey
Jaajuurka geesaha wuxuu, jirayey ruuxayga
Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey

Wiyil joof lehiyo yey waxaan, jirif ku keynaanshey
Jinni qabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey
Juq waxaan u soo idhi dugaag, jalabutaynaaya

Wixii gaade jimiq soola xuli, juhunkii ii muuqday
Jititaha hortayda ah waxaan, jaaha kala leexday
Wuxuu jiinka ii maray midgaan, jilibka tooxaaya

Kobaan jeesna ooliyo waxaan, jarar ku aynfaaday
Jawo lagu harraadiyo waxaan, omos jibaaxaayey
Jugleey igu dhawaaqdiyo wuxuu, galowgu jiiqleeyey

Jid abaara oo kulul waxaan, hilin ku jiillaaday
Juunaha xagaagii wuxuu, jaaha iga leefay
Jeedaaladii wuxuu indhaha, jiitay aragoodu

Jarmaadiyo carraababa waxaan, bari u sii jeeday
Xagla jalaqle laafyaha waxaan, jagac ka siinaayey
Jiitada masaafada waxaan, jimiyey tooxeeda

Jaldhiskayga saydhadu waxay, jac iga siinaysey
Jiriiricada ooga waxaan, jararacoonaayey
Cagta jeerarkeediyo waxaan, boqonta jeedaashey

Jalfiska iyo qonofkii waxaan, jag iska siinaayey
Jiljilladiyo seedaha waxaan, jaa'ifo u geystay
Jirridkii xabaallaa wuxuu, jabiyey suulkayga

Jirriqaa abeeriyo waxaan, gocondho jeexaayey
Janqaraara socodkii waxaan, jaynaf macaluulay
Jidaashaan u yeellaa wuxuu, jiidhku iga suumay

Jilbis halaqa iyo good waxaan, jaanta kala booday
Wixii aan ku joogsaday abees, jilifle oo duuban
Maska jiririqleeyaa wuxuu, jiidhis igu dhaafay

Jambareera dhicidii waxaan, jiifka qaban waayey
Hadba jimicsi iyo taah waxaan, jalaqa soo laabay
Jidiindhowga qabatoon waxaan, jiilka rogi waayey

Waxaan jiidha waaberi kacoo, jalafsadoo luuday
Jarmaadada aroortii waxaan, juhul madoobaaday
Waxaan dhegaha jawgii ka baxay, jibindhow moodaayey

Wixii aan jaajuur galay waxaan, jawray badankeyga
Rabbi baygu jeefagaye waxaan, jululay ruuxayga
Jaldhanka iyo baahida waxaan, jalaqa heemaarshey

Haddaan boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene
Jidhku ima xanuuneen hadduu, joog i leeyahaye

Jeclaantaan u qabay baan u tegay, jaankii badihiiye

Jeer baa Illaah ii qadaray, jiirahaan maraye
Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane
Waxse igu jirrabay waa ninkii, jookha ii lulaye

Cayuun jalalowlayn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey
Jaamuus lo'aad iyo raggaan, jimir adhi u dhiibay
Ammaan lacag jidhiidhaa furoon, jeebka uga buuxshey

Waxaan gool jinaad weyn qaloon, joome uga gooyey
Xeedhyaha jiriidha leh waxaan, jaari ugu qaaday
Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ila-xidh jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey
Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey
Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamaduu shaahshey

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhawraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi, laabtu jirin mayne
Jasadayda Eebbaan ka heli, taloba waa jeere 






OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 40 guests