Abwaan Ismaaciil Dhimbil Dalabeey wuxuu ahaa rugcadaa ka mid ah maansayahanadii Ogaadeen.Gabay dheer uu ka tiriyay shirkii carte oo wada xigmad iyo xaldoon hdaan in yar kasooo qaato
Kurtun hadimo guuraha lugtuba,way ku kadisaaye
Kafankaaga kii toli mar baad, kaba u gaysaaye
Anna kali ahaantay kolkaan, furay kitaabkayga
Kafaduhuba way muujiyaan, kiilka saa'idaye
Kajan iyo is yeelyeel mar baad, kuul u xirataaye
Karmo barad aqoon xumi adunbuu, kaaha kaa jabin e
Umad kani adkaataana way, kadab hankaagtaaye
Kudkaad sahashatana aayuhunbaad, kaar ka dhaxashaaye
Dad qabyaalad koolkooliyaa, aafa kaydsadaye
Kulligiinba Soomaliyeey, hadalkii oo kooban
War bal koow dheh faallada mas baad, kiish ku wadataan e