Moderators: Moderators, Junior Moderators
Koley gabay kalkii galay ba wuu, laba kacleeyaaye
Wali kaalintii aan rabay buu, kaafku tabayaaye
Karaarmaati iigama duwana, keenistiisuba e
Kalifaad unbaan Muxumadow, kolal ku sheegaaye
Caawana waxbaa igu kordhoo, waan kurbays nahaye
Karka dhariga waa uun kuleyl, wixii ka keenaaye
Kafa iyo Hawaas oon xornimo, ku arko mooyaane
Kalka geedi baan ahay siddii, geel kaliil hadaye
Ninna kaligii hawlaha adduun, soo katabin waaye
Haddaan lagula kaalmaynin, waad kariba weydaaye
Geyigeena oo dhacan in aan, geela wada raacno
Amaad ganacsi uun raadisaan, gu' iyo jiilaalba
Gabdhuhuun inaad weheshataan, goor iyo ayaanba
Gobonimana aan loo halgamin, waa gunnimo wayne
Gacalooyinoow kaca waqtigu ,waa gabaabsiyay e
Gurmadaay dad guul laga sitaa, geed ma jiifsado e
Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 83 guests