Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Quotes from Ogaden Poetry

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Thu Jun 17, 2021 8:26 am

Cabdiwali sh biixi ,gabay gumaysi diid ah


Nuur Jiir tawaawicii ku bogay, tuu markii wadaye
Aniguna tixdiisii waxaan, ugu tayaagooday
Waa qoon halkii taabatiyo, dacar i taagnayd e
Tabtii Gurey bilaabaha miyaan, toban ku layn waayay
Gudin bayla taag ahe miyaam, tuman aqoon waayay


cabdi wali waa ninkii u lahaa Yusuf dheere oo gabyaa wayteen ah


Sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye
Eeggana waxaa laga tabshaa adiyo Dhoodaane

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Thu Jul 01, 2021 12:29 pm

CABDULLAHI BADAL CABDI QAMAAN


Waxse lagu uruurshaa ra'yiga, ama is raac keena
In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiya e
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoys e
Markaasay utuni beerantaa, lays ku aynaba e
Aafadu kolkay durugto ee, lays ka wada aarto
Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan
''Adaa ii leh'' iyo eersashay, ku intihootaaye

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sat Jul 10, 2021 10:42 am

SSDF was the first rebel group against Barre's regime .Kaadheri artistically pointed out the root cause of all the clan-based rebellions that destroyed Somalia.

Cirka oo kalkii hooray oo, karadha soo daayey
Raxmad Eebaheey keenay oon, kala go'ayn waayo
Kalay buuxa dhiijaamo kidh ah, rahu ka dhaaleeyey
Kaymaha caleemoobay iyo, doogga kala seexday
Umad nabad ku daaqdoo xornimo, ugu kifaaxaysa
Oo aan kadeed iyo dhib qabin, kala irdhaysiiya
Oon diin ku kala leexan oo, yahay kitaabkoodu
Kalaamkii Ilaahay ku yidhi, koonka anigaa leh

Kol qudha' wixii kala furfuray ee, kooxba dhan u caydhshay
Waabay kankoontiyi wixii, kiciyay duufaanta
Markii aan u kuur galay in badan, kadiso waa yaab e
Diiwaanka kaydiya dhacdada, kala rogoon baadhay
Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay aafada e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sat Jul 10, 2021 11:21 am

Hoga tusaalaynta ,sarbeebta iyo xaaladaynta gabayga ayay Ugaadeenku ku caan baxeen halka iidoorku cibaaro iyo waayo -hadalka maansada xooga saaraan .

Fidhin oo sarbeeb iyo xaaladayn ku sawiraya Somalidii kala irdhoowday iyo waliba wuxuu asagu markaa xalka u arkayay.Geela baadidu gashay ee lagu daba daalay waa Somalida kala furfuratay ee cidiba meel isku ooday.


Dul caagag leh, ciid iyo bannaan, ciiri iyo buuro
Cal guduudan, suubaan cantara, amase doox caws leh
Cinjir dibir leh, coolida madow, webi callaalkiisa
Horweyn cimidha adigoo watoon, ciidan badan haysan
Cooflaha libaaxiyo adigoo, col uga yaabaaya
Cawo-daran hadduu kaa lumiyo, goor casar ah geelu
Carro-edeg cad-ceedsiga haddaad, meel cabbiri weydo
Carsaanyada sideedii haddaad, gees kastaw cararto

Adigoo curaan-cura jaboo, caga gubyoonaaya
Hadba waxaad cal fuushaba markaad, socod ku caatawdo
Haddad weydo meel uu cag dhigay, ama cid uu raacay
Arbacuunka ceesaan cad baa, loo cammayn jiraye
Cayni qabadna waa lagu dayaa, caaradkii luma e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sat Jul 10, 2021 12:11 pm

Here is another showdown of DHoodaan's unparalleled poetic prowess. In the below excerpt, Dhoodaan is describing the importance and how some of the Somali herbal medicine can be made.


Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo
Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo
Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo
Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo
War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro
Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho
Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno
Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo
Dhuubaan kolkay soo baxdooy, dhiin casuus noqoto
Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey
Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhaash! kaga siiyo
Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye
Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?


Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa
Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline
Dhii-dhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye
Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sat Jul 10, 2021 12:30 pm

Ogaadeenka qab iyo han kama suulo inkastooy talaxumo kolalka qaar dawyo ka tuurto :lol:

Ogadeenkii hore waxay dileen jilib culustii guumaystaha sida: Jenner , Alyan dheere (Francis Elliot), Lee Bowyer( Ninkii loogu magac daray magaalada Lbooyo Keenya) .Sidoo kale, Koofil ciidankii dilayna qayb bay ka ahaayeen.

Rug-cadaa Gandaal oo dareemay 90kii in Maraykan iyo UNITAF hiil u galeen Majeerteenka ayaa tix-dan DHIIRA-NAANTU ka muuqato ku karbaashay ama ugu goodiyay Maraykan,hade waa maraykanka kibir iyo itaal ba sheegtay :lol:


In kastoo madaafiic dhacdiyo ,wadato dhiidhaayo
In kastoo diyaarado dhaqso leh , dhumuc ku faanayso
Bal ogoow dhulkaan leeyahoo, ways ka kaa dhicin e

Dhagaxyaha kol aan qaato oon , dhawda kaa galiyo
Ama feedh dhagtaa kugu dhuftoon, kugu dhadhaabeeyo
Ama dhawr hal oo ii qarsoon, kugu dhallaan gooyo
Bal ogoow dhulkaan leeyahoo ,ways ka kaa dhicin e

Dhunyac iyo waxaan leeb ka dhigan, midhayo dhuudhuub e
DHafaruur intaan fiiqo oon , dhaga u soo yeelo
Daba-dheerle dhiig damagada’a, dhalo ku soo miiro
Dharkaynkiyo intaan ugu dhex daro, xabag dhunkaaleedka
Dhiibitida dhamays tiran intaan, wadar kusoo dhoobo
Dhag markaan ku siiyaba naftii, dhimasho weeyaan e
Bal ogoow dhulkaan leeyahoo, ways ka kaa dhicin e


Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sat Jul 10, 2021 5:01 pm

hoga-tusaalayntii ,gubaaabadii iyo sarbeebtii HEELAALE

dheef--waa gobonmimo
kayn dhibtaal badan--itoopiya
dadkay gaajo dhagax-yaysay--gobonimo doonkii onlf

waxaa sheekaysanaya gobonimadii iyo dadkii doonisteeda u heellanaa

Markay dheef u yeereen dad ay, gaajo dhagaxyaysay
Dhawaaqeeda goortay maqleen, ee la dhaga qaaday
Wax la yiri ‘’dhankee baad jirtaa, oo dhabqali fiican?’’
Waxay tiri ‘’dhabbaba soo ma galo, dhaalka aan jira e’’
Wax la yiri ‘’maxaa kugu dhacay oo, dhaxanta kuu jiiday?’’
Waxay tiri ‘’dhankaas baan ka ahay, kayn dhibtaal badan e’’
Waxay tiri ‘’qofkii soo dhex mara, yay dhadhamiyaaye’’
Idinkoon dhib galin way fogtahay, saad ku dharagtaan e
Ma u dhii-dhinaa gaalku waa, dhacay dalkeeniiye !

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sun Jul 11, 2021 2:26 am

Cumar fakad ayaa gabay ku furay shir ay xamar ku qabsadeen abwaanadii iyo saraaakiishii Ogaadeen iyadoo lagu jiro qaban qaabadii 77 .Cumar Fakad oo ay muuqatay daacad-waaaga kacaanka iyo habacsanaanta tolkii baa dagaalka u arkay dhalanteed iyo hawl aan bislayn .Golihii buu Fakad ka tiriyay gabay lamagac baxay maad inaga dhaafti
.Waxaa gabaygiisii maad inaga dhaaftid ka mid ahaa tuducan

Raggii dhaawacaygii ka tagay, aniga oo dhiirrin
Oo aan isoo dhugan markaan, dhididka saydhaayay
In aan Biixiyoow soo dhex galo, hayga dhawrina e
Dhabba qudha hadaynaan marayn, maad inaga dhaaftid






Goortii dagaalkii lagu hungoobay ayuu fakad gabaygii ku noqday. Wuxuuna yidhi abwaanku



Nin siyaasad dhuuxaan ahaye,kama dhakooleen e
Inay kala dhinayd waan ogaa, ooy dhukaan tahaye
Markay dhicisay DHAWRA iyadoon, dhaysba wali gaadhin
Dhiilaha in loo soo cugtaa, waa dhammaasnimo e
Dhalanteedka beenta ah anoo, dhinac ka eegaaya
Nacas baa dhab moodaye waxaan, dhawrayaa yimid e


Dhiddadiyo shabeelkii markii, taladii loo dhiibay
Ee lays dhex yaacsiiyay bay ,dhaqabday ee hoowe
Dhan ba looma wada jeedsan oo , dheef la daydayiye
Aqal aan dhig iyo udub lahayn, yaan dhis leenahaye
Meeshay ka dheelliyi inaan, dhidibno mooyaan e
Ha dhawrina dhanaan iyo karuur, aad ka dharagtaan e



Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Sun Jul 11, 2021 4:54 pm

Dhoodaan and Kaadheeri predicting the eminent dawnfall of the kacaan


DHoodaan

Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne
Goorahanna saadaashu way, kugu gandoodaaye
In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye
Guu-guulihii faaliyee, baalasha is gooyey
Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane
Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye

kaadheeri

Cuqubada galshada buuxisee, gayiga saamaysay
Guulaamadii soo kacdiyo, galowgii eedaamay
Mar uun buu gadoodkeedu iman, guluf colaadeede
Guul-darooyinkaa riman mar bay, geli shinkoodiiye
Gidh-gidhahan istaamayi mar buu, gaadhi qarixiiye
Mar buu gaanka qaayiban nafluhu, googan kaligiise
Geeddada balaadhani mar bay, golongol dhuubnaane
Guryo dabaqa kii lihi mar buu, geed dugaashaniye
Ninkii godob lahaan jiray mar bay, goosan aanaduye

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jul 14, 2021 2:17 pm

Kaadheeri


Ragga saawa saawada dhibtiyo , solayga jiilaalka
Saran-seerka way wada dhasheen, saac adayg badan e
Hayeeshee sareedada aduun, siday ku gaadaani
Waa sinnaan midnimo ay helaan,suubanaan adib e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jul 14, 2021 2:52 pm

gabaygii Galaydh ee gubaabada ahaaa.Gabayadii 77 kuwa ugu caansan buu ku jiray xaga gubaabada, farshaxanka iyo waliba luuqda macaan ee fidhin ku ladhi jiray gabayadiisa

Gal biya ah xareed galalac tidhi, adiga oo gooman
Gacmahaaga ood kaga cabtaad, kaga gammaysaaye
Gobonimadu waa saa ninkaan,garan se yeelkiiye
Gundhiyaay! xaqiinii gudhnaa, waad u gogosheen e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jul 14, 2021 3:25 pm

Gandaal , gabaygii qaylo dhaan

Qanjidh hilibka waa qayb ka mid ah, quudna noqon waaye
qab-qablana dadku magac la yahay, waase qulub jaan e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Tue Sep 14, 2021 3:35 pm

Murtidii Cabdullahi Badal Cabdi Qamaan


Hoggaankaan xurmaynayn shacbigu , kama xishoodaan e
Kuumana xil qariyaan hadaad, noqoto xayraan e
Xasillooniyo waa dulqaad ,waxay ku xeebtaan e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Tue Sep 14, 2021 3:51 pm

Cumar Cabdullahi Ciise (FAKAD)ayaa shirkii carte ka aqriyay tix gabay ah ay ku jirtay tuducan hoose ee xigmada iyo xaqiiqada ku salaysan.



Kibirkii la eeday iyo la diid, kala sarrayntiiye
Kaligay anaa cuni wixii , kiciyay weeyaan e
Kafad baan u wada saarayaa, koomba qaybsiga e
Kabbo oo isii aan kabado, kulanku weeyaan e
Allahayoow na kaalmee waqtigu, kaabiguu yimid e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Tue Sep 14, 2021 4:08 pm

Qaryaan Dhoodaan , gubaabadii iyo dhiira-galintii u siiyay jab-bahadii xaq u dirirka ee Somali galbeed.


Marsada uu cadaawuhu dego, ee lagu malaynaayo
Ilaalada ku meermeeriyoo, ha iska miriqshaanto
Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina
Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eegta
Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane
Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada
Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama maarmaane

Miidaanka goortaad heshaan, midig u liishaama
Miisaan dabkiina u rida oo, waliba moogaysta
Mar kastaba dhufayskay galaan, meylal kor u dhaafa
Dharaartii midhaysiga ku dila, mira habaynkiina
Xaqeena oo markhaatiya raggii, maydhaxda u gooyey
Malabkuu bartaye waa inay, dacar magawshaan e


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 79 guests