II sheeg wax aan ku jeclaado Somaali? Wax laga dheeraado oo laga fogaado way istaahilaan.
Maahmaahyada fulgar-ka ah ee aan aad u jeclahay ayaa waxaa ka mid ah, Gabadhii la yidhi “Iskaa daa warwareega iyo basar xumada oo ibtaada ka adkowâ€Â, ee ku jawaabtay “ love ma ihiye, beer baas ayaa iga baxay oo marka la I baryo ayaanan waxba diidi karayn.â€Â
Waxaan uga go, leeyahay, anigu Kaambuli ahaan, calool jileec ama doqonimo aan u dhashay ayaan Somaali u jeclahay, mooyee ma jirto wax Somaali lagu jeclaado haba yaraatee.
Bal u fiirsada. Inta halkan wax ku qortaa waxay u badan yihiin dad wax bartay. Fursaddaas in badan oo Somaaliyeed ayaan helin. Khaas ahaan raggiinu waxaad ahaydeen kuwii maanta farta qaniini lahaa, ee aan taah iyo reen la ladeen. Dhibka iyo rafaadka dalkooda yaala. Kuwii khayrkood ka masayri lahaa. Kuwii halgami lahaa. Kuwii danqan lahaa, kuwii cishoon lahaa.
Bal isu fiirsada inta nooc ee aad tihiin;
1.Kuwo ku khafiifey kinxxxx naageed, oo weedhii ay qoraanmba ay ku jirto naag hoosteed. Waxbaan fuulaya wax aan ahayn afkoodii laga waayey.
2.Kuwo sun ah oo ku khafiifey qabiil nacayb. Waxaa jira qof aan dul maray inta post ee uu qorey, mid ka nadiif ah qabiil nacayb waa n ka waayey. Subxaana Allaah.
3.Kuwo ku faana dad baanu xasuuqney ama dal baanu burburiney. Aama gabadh Somaaliyeed ayaan kufsanay.
4.Waxaan arkayey dood ahayd reer hebel ayaa lasoo qaxiyey. Waar miyeyna xataa intaasi ahaateen yididiilo, haddii inta qabiil Somaaliyeed la qaxiyo intii kale wax qabsadaan, sowtan uun la iskasoo wada daba qaxay? Sow inankan wada qaxootiga ah?
5.Kuwo dawlad iyo wixii sansaankeed ura kala dagaalamaya Somaaliya.
6.Kuwo ku mashquula ah inay dadka Somaaliyeed isu bahalo geliyaan.
7.Kuwo toban weji leh, oo sidii qoryo is mariskii marba meel isku qaadaya.
8.Ta iigu yaabka badan oo ay gabdhaha qaar ku jiraan. Bal waxay ku leeyihiin, waxaanu nahay caruur dhalatay oo aan xitaa Af Somaaliga aqoon, haddana intaa qabiil Somaaliyeed ayey caayayaan Acuudu Bilaah, Maxaa baray qabyaaladda hadday carruur 19 jir iwm ah yihiin!
All I can say waxaa weeye, “Idaa Nuurukum Haakadaa, Fa Kayfa Dalaamukum†Waar kuwiini wax bartay markaad sidan tihiin, yaa Somaali u miicina? Waan idinka sasay walaahay!
Dhowrka qof ee sharafka leh ee meesha ku jiraa, way is garanayaane ha raali ahaadaan.
