Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

TANGIBLE AND EFFECTIVE&EFFICIENT ASSISTANCE !!!!!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

TANGIBLE AND EFFECTIVE&EFFICIENT ASSISTANCE !!!!!!!!!!!!

Postby Daanyeer » Thu Dec 22, 2005 9:57 am

HAVAYOCO OO 23 TUULO OO KA TIRSAN TOGDHEER IYO SOOL U QAYBISAY ADHI IYO AWR.


ayada wadaniga eeHavayoco ayaa sadex iyo labaatan tuulo oo ka tirsan gobolada Togdheer iyo Sool uqaybisay xoolo isgu jira adhi iyo awr,iyadoo sideed ka mida tuulooyinkaas 105 qoys loo qaybiyay 1350 neef,halka shan iyo tabankakale ,12 qoys loo qaybiyay 180 awr. Qaybintan xoolaha ayaa ah mid daba socota tabaalihii abaaruhu u gaysteen degaamadaas ka dibna Havayoco bilowday qorshe ddkaasi dibu xoolayn loogu samayn lahaa..

Havayoco oo mudooyinkankanba dibuxoolaynta ka waday tuulooyinkaas ,intoodii badnaydna la dhamaystiray , ayaa xubno kamida masuuliyiinta sare ee hayadaasi ka qayb galeen maanta xoolo loo qaybinaya tuulooyinka Bali calanle , Shashacade iyo warcibraan ,waxaana halkaasi hadalo kooban ka jeediyay Agaasimha Fulinta Havayoco Cumar Sheekh , waxanu sheegay in talaabadan qaybinta xooluhu qayb katahay sidii laydinka caawinlahaa tabaaldii abaaruhu gaysteen ,islamarkana xoolaha laha la siinayo qoysaska ugu jilicsan ,madaama la awoodi Karin in dadkii wax la wada gaadhsiiyo balse aanu dadaalka sii kordhin doono , waxa kale oo uu sheegay in hayadoodu mashariic dadka lagu caawinayo ay hore ugu fulisay degaamadan , ugu dambayntiina waxa uu dadka uga mahadnaqay sida wanaagsan ee iyagu dhexdooda isaga soo xuleen qoysaskii ugu jilicsanaa si loo caawiyo.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Mustafe Saleebaan oo ah Isuduwaha Barmaamijyada Gobolada bariga ,waxaanu ka warbixiyay siyaabihii kala duwanaa ee Hayadu gacan uga gaysatay xiliyadii abaarta ilaa hadana ay wado gacan ka siinta dadkii tabaalada culusi ka soo gaadhay abaarihii islamarkaana wixii awoodooda ah u qaban doonaan. Qoysaskan dibu xoolaynata lagu sameeyay oo isugu jira rag iy haween ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana arintan ay ka dabooli doonto baahi weyn oo ay u qabeen ,qaar ka mida ayaa tilmaamay inaanay haysan Awr ay rartaan, oo abaarihii ay ku dhinteen, waxayna si weyn ugu mahadnaqeen hayada Havayoco.
Barmaamijkan dibu xoolaynta dadkii ku tabaaloobay abaaraha ee isugu jira adhiga iyo awrta , ayaa sideeda tuulo ee looqaybinayo adhiga oo qayb ka ah kow iyo tobon tuulo oo ay kasocoto barmaamijka Horumarinta Reer Miyiga oo dalka oo dhan aha ayaa socondoono mudo shan iyo toban sano ah ,halka shan iyo tobonka tuulo ee loo qaybinayo awrta ay ku egtahay bishan diisanbar ee sanadkan, waxaana mashaariicdan maalgalisay hayada OXFAM GB.halaka Havayoco ka fulinayso. Waxa kale mashaariic kale oo uu ka mid yahay CASH FOR WORK, iyo kawo kaleoo lagu caawinayo dadkii abaaruhu ay waxyeeleeyeen aya Havayoco ka waday degaamada gobolka togdheer.


Kayse Digaale
Qarannews24
Burco

Copyright © QaranNews.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 80 guests