Haddaan ogahay inuu WACADKA ilaalinaayo..Haddaan ogahay inuu BALLANTA oofinaayo..ma OOYEEN !!!!!!!!!!!!!
--------------------------------------------------------------------------
Wasiirada iyo Xildhibaanadda Beelaha Digil Iyo Mirifle oo u soo jeediyay Ra’iisal Wasaare Geeddi inuu xilka ka qaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalimiga
Source: http://www.midnimo.com/Decem/21_12_wasi ... _geedi.htm
KU. RA'IISULWASAARAHA DOWLADDA FEDERALKA KMG J.S.
OG. MADAXWEYNAHA D.F. J. SOOMALIYEED.
Ujeeddo: Sixitaanka Barnaaamijka J.N.A-da.
Mudane Ra'iisulwasaare
Waxaan halkan kugu soo gudbinaynaa arrinta ujeedada warqaddan ku qoran oo u baahan in la saxo, anagoo soo jeedinayno dhacdooyinkii hore iyo sida aanu qabno in wax loo xalliyo.
Warbixinta Guud.
Seminaar ku saabsanaa Barnaamij lagu qiimaynaayo Baahida Dib u dhiska iyo Horumarinta Maamul-wanaagga Dalka Somaliya (J.N.A.) oo lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Kenya 23.11,2005, Barnaamijkaas oo ahaa mid qiimo weyn u leh Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. ayaa waxaa nasiibdaro noqotay in Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Iskaashiga Caalamiga uu u maamulay si aan habboonayn oo Caddaalada-dara ah, isagoo seminaarka dadkii u soo qorshayey ay noqdeen kuwa lagu soo xulay si eex iyo qabyaalad ah, oo beelo gaar ah lagu soo koobay Aqoonyahanadii la isugu keenay goobta seminaarka ka socday, iyadoo beelihii kale ee Somaliyeedna ka maqnaayeen Madashaas. kaddib, markii aanu ogaaanay arrintaas ayaa waxaan tagnay Hotelkii loogu talagelay inuu ka furmo Seminaarka sida ka muuqata sawirkan oo ah markii aanu qoraynay Ra'iisulwasaaraha Dowladda Federalka Prof.Cali Maxamed Geeddi warqadda cabashada iyo diidma ah sida ay wax u socdeen.
Anagoo qoraalkaas ku muujinay Caddaalad-darada uu sameeyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdirisaaq Cusmaan Juriile, ujeedadeenuna ay ahayd in isla halkaas lagu xalliyo qaladkiisa. Eeg Sawirka Labaad oo muujinaya markii aan u dhiibaynay Ra'iisulwasaaraha qoraalkii aanu ka sameeynay arrintaas musuqmaasuqa ah Prof.Geeddi oo la joogay Kuxigeenka Ra'iisulwasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo run ahaantii goobtaas ka muujiyey dareenkiisa, soona jeediyey in la xalliyo khaladka dhacay. isagoo Wasiirkii qorshaynta oo shaqadaas hoggaankeeda iyo xilkeedaba lahaa uu goobtaasi ka muujiyey diidmo qayaxan.
Taasoo ilaa iyo maantadan aan waxba laga qaban, gaartayna guud ahaan Mas'uuliyiinta Labada Gole ee Qowmiyadda Digil iyo Mirifle & Gobolladii iyo Mas'uuliyiinta kale ee Beelihii Somaliyeed ee Caddaalada-daradu saameeysay oo qaarkood horeyba Idaacadaha ugu sheegay mowqifkooda.
Sidaa darteed, mar kale waxaan u soo jeedinaynaa Ra'iisulwasaaraha Dowladda Federalka KMG Prof.Cali Maxamed Geeddi inuu wax ka qabto qodobadan hoos ku qoran si loo soo afjero dhibaatada sii fidaysa, keenina karta khilaaf hor leh.
1. In Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalimiga ee Dowladda Federalka KMG laga qaado xilka Wasaaraddaas oo musuqmaasuqa ku sameeyey shaqada Barnaamijka J.N.A.-aawadeed.
2. Kaddib in dib loo saxo barnaamijkaas si ay uga wada qaybgelaan aqoon-yahanada qaybaha Bulshada Somaliyeed si caddaalad ah, ugana wada faa'iidaystaan dhammaan Gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.
Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow)
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya
Midnimo Information Center wararka@midnimo.com



