Ama afeef hore lahow, ama adkeysin dambe lahow.
Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
Naag la furay fadhi uma yaal

Naago waa u samir ama ka simir
Wax la qarshaa ama qudhme ama qubte
Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.