Sooyaal News
GABADHA SOMALILAND UGU TAAJIRSAN WAA TUMA?
Dumarka ugu awooda badan Somaliland xag dhaqaale iyo xag awoodeedba ayaa lagu tiriyaa in ay isku haystaan kaalinta koowaad iyo ta labaad Hooyada Qaranka iyo Marwo Adna oo ah Wasiirka Arimaha Dibada ahna mulkilaha Hospitalka Adna Maternity Hospital. Waxa kale oo iyana wakhtiyada danbe fagaraha siyaasadeed ee Somaliland ku soo biirtay Foosiya Xaji Adan oo ah gudoomiyaha jamacada Hargeysa qaybna ka ah Community weyn oo somaliyeed oo ka jira dalka.
Wallow Somaliland dhexdeeda ayna caan ka ahayn gabadh iskeed wax u leh oo gabadha waxa ay yeelan karto oo ay gaar u sheegatana aanay jirin oo inta badan ay ku magacowdo odaygeeda caruurteeda,Hadana wakhtigan waxaa isa soo taraya Haweenka isku baacsanayo tartanka gabadha ugu awooda badan uguna dhaqaalaha roon. Shaki kuma jiro in Huda Barkhad ay tahay wakhtigan maal qabeen leh hanti wayn iyadoo waxa ugu badan ee ay ka heshay la odhan karo waa masnabka ninkeedu hayo oo ay uga faaiidaysatay danteeda shaqsiga ah wallow aanay ilaa hada jirin wax qoraala oo sheegay qadarka hantida ay leedahay inta uu leegyahay hadana waxa lagu qiyaasa in ay malayiin dollar leedahay. Waxkastana waxa ay soo bixi karaan marka ay xilka ay ninkeeda la waheshanayso ay dibad ka istaagto.
Daoud Gilingil
gilingil@hotmail.com
_______________
Does any know who Huda Barkhad is and if she has any daughters above 17?