Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SOMALILAND JOINS THE AU LEADERS

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

SOMALILAND JOINS THE AU LEADERS

Postby fagash_killer » Tue Jan 24, 2006 4:50 am

while their will be chaos in the south oure recognition will sooner ore later come Very Happy its time to take the au over since we are the best kept secret of africa Evil or Very Mad


Gudoomiyaha Midowga Afrika Oo Warbixin Uu Siiyay Kulankii Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika Ku Soo Daray Somaliland Posted by: qaran

Baasaboorka Somaliland Oo Aan Sitay Ayay Dawladda Sudan Iigu dhufatay Fiiso Bil Ah” Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Khartoum, Sudan, January 23, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha Midowga Afrika, Alfa Cumar Konaari, ayaa warbixin uu Sabtidii dorraad ka hor akhriyay Shirkii Wasiirmada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika ku soo qaaday horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca dimuqraadiyada, isla markaana waxa la filayaa inuu Gudoomiyuhu warbixin-sannadeedka uu siinayo Madaxweyneyaasha Wadamada Afrika oo maanta shir-madaxeedkii 6aad ee Midowga Afrika uga furmayo caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Gudoomiyuhu warbixinta uu siiyay Shirka Wasiirada Khaarajiga Afrika oo uu kaga warbixinayay arrimaha dimuqraadiyada iyo maamul-wanaaga, ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay Somaliland, isagoo ka waramay qaabkii ay doorashadii Barlamaanku uga hirgashay Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay ku dhacday jewi degaansho iyo tixgelin leh.idaana waxa ku soo waramay Tifafraha Wargeyska Somaliland Times, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo warbixin xalay wargeyska Haatuf uga soo diray magaalada Khartoum ee la filayo inuu maanta ka furmo shir-madaxeedka Midowga Afrika.

Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu dalka Suudaan ku galay Baasaboorka Somaliland, isagoo ka mid ahaa Suxufiyiinta ka socotay ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika oo ay Somaliland xubin ka tahay oo shirkan lagu casuumay, waxaanu sheegay in loogu dhuftay Baasaboorkiisa fiiso hal bil ah oo uu dalka Sudan, hase yeeshe Yuusuf warbixintiisa waxa uu ku bilaabay sidan:
“Gudoomiyaha Midowga Afrika Alfa Cumar Konaari ayaa warbixin uu ka jeedin doono shirweynaha 6aad ee Midowga Afrika uga furmaya Khartoum maanta ku soo dari doona qayb uu kaga hadlayo horumarka ay Somaliland ka gaadhay hanaanka siyaasadeed ee dimuqraadiyada ku dhisan iyada oo uu tusaale u soo qaadanayo doorashadii baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday Somaliland taas oo uu ku tilmaamay mid si nabadgelyo leh oo xor ah u dhacday isla markaana ay Somaliland ku ammaanan tahay.

Warbixintan waxa iyada oo weli qabyo ah ka dooday wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Afrika shirkoodii ay dorraad Sabtidii ku yeesheen Khartoum, laakiin waxa si rasmi ah loo soo hordhigi doonaa shirka maanta. Sidaasna waxa ii sheegay ilo goob joog ka ahaa kulankii Sabtii dorraad ee kulankii Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika, waxaanay arrintani guul siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed u tahay Somaliland. "Ugu dambeyntii waxaan jecelahay inaan Golaha wax uga sheego doorashadii baarlmaanka ee ka dhacday Somaliland 29-kii September 2005. Doorashadaasi oo ay ku tartameen 3 xisbi siyaasadeed waxay ku qabsoontay jewi degenaansho leh iyo tixgelin buuxda oo ay dhamaan dhinacyadii ka soo qaybgalay tartankaasii siiyeen u hogaansanaanta sharciga guud iyo xeerarkii u gaarka ahaa doorshadaas ay kuraasta Baarlamanka ugu tartamayeen", ayuu ku yidhi Konare warbixintiisa uu ka hor akhriyay kulanka Wasiirada.
Dhinaca kale, Anigu [Yuusuf Cabdi Gaboobe] dorraad gelinkii dambe ayaan soo gaadhay magaalada Khartoum waxaanan ka mid ahaa suxufiyiin ka tirsan ururka suxufiyiinta Bariga Afrika oo ay Somaliland xubin ka tahay oo lagu casuumay inay ka qaybqaataan hawlaha warbaahineed ee shirweynaha lixaad ee madaxda dawladaha Afrika ee midowga Afrika kaas oo maanta ka furmi doona magaalo madaxda Suudaan ee Khartoum.

Dalkan [Sudan] waxaan ku soo galay Fiiso hal bil ah oo la iigu dhuftay Baasaboorkayga Somaliland kaas oo aan hore ugu tegay dalal kale oo ay ka mid yihiin UK, South Afrika iyo dabcan dalka Ethiopia, intii aan halkan jooygayna suxufiyiin badan oo Baahinta wararka shirka halkan u jooga, ayaa iga codsaday inaan tuso sida uu egyahay Baasaboorka Somaliland. Waxaanan ku talo jiraa inaan shaqsiyaad muhiim ah ka waryasto qadiyadda Somaliland inta shirku socdo.

Dhinaca kale, Habeen hore waxa la isugu tegay xaflad ay ka heesaysay Boqoradda fanka iyo fanaaniinta Afrika Maryam Makeba, xafladdaas oo lagu qabtay Masrax ku yaala goobta lagu qabanayo Shirweynaha ee magaalada Khartoum. Makeba oo ah fanaanad reer Koonfur Afrika ah, isla markaana kaalin muhiim ah ka qaadatay la dagaalankii midab takoorka ee dalkeeda ka jiray muddada dheer, lagana mustaafiriyay dalkeeda, balse dawladda Suudaan siisay Baasaboor Suudaani ah, ayaa sheegtay in fanka ay dhawaan ka fadhiisan doonto.

Hase yeeshee Makeba oo aanu shalay xaflad qado-sharaf ah kula kulmay ayaan kula kaftamay inay garanayso wadanka la yidhaahdo Somaliland, waxaanay iigu jawaabtay Makeba: “Sideenan u garanayn Inankaagan yari waxaan jiray 73 sannadood, ma jiro wadamadayda Afrika mid aanan garanaynin.”

Dhinaca kale, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo xalay niskii dambe telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa sheegay inuu ka qayb-galay shir-jaraa’id oo uu xalay caweyskii Gudoomiyaha Midowga Afrika, Konaari ku qabtay magaalada Khartoum, isla markaana waxa uu Yuusuf shirkaa jaraa’id ku weydiiyay Konaari in shirka maanta ka furmaya Khartoum lagu soo qaadi doono qadiyadda ictiraafka Somaliland iyo in kale, Very Happy waxaanu Konaari ugu jawaabay oo uu yidhi: “Arrintaasi waa inay marka hore dhinaca Somaliland ka timaadaa oo ay iyadu dedaal u gashaa, balse aanay jirin cid kale oo u hadlaysa oo ay ku halaysaa.”

Arrintaas waxay muujinaysaa in Xukuumadda Somaliland ka gaabisay dhaqdhaqaaqii loo baahna inay kaga faa’iidaysato shirarka noocan oo kale, isla markaana ay wadamada Afrika qaar ka mid oo u ololeeya uga samaynsan lahayd.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 71 guests