Postby AbdiWahab252 » Thu Feb 02, 2006 9:22 am
Mogadishu residents are doing their first prayer for ending the drought tomorrow:
Salaad Alla Bari ah inuu Ilaahay Abaaraha ka Dul qaado Umada Soomaaliyeed oo Culumaa'udiin Soomaaliyeed iyo Ardayda Dugsiyada Quraanka Kariimka Saakay ku Tukadeen Garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Istaadium.
Hobyonet.Muqdisho.Khamiis,Feb,02,2006.
Culimaa'udiin Soomaaiyeed iyo Ardayda wax ka Barata Dugsiyada Quraanka Kariimka ah ee Muqdisho oo Sakay isugu Soo baxay Garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Istaadam ayaa waxaa ay ku tukadeen Salaad alla bari ah .
Salaadan oo ilaahay ay ka baryayeen inuu Umadda Soomaaliyee ka dul qaado Abaaraha ku habsaday Qaar ka mida gobolada dalka soomaaliyeed ayaa Culimaa;udiin ay ka Mid ahaayeen Sheeq Ibraahi Suuleey ay Salaadii ka dib halkaasi ka jeediyeen Duco ay ilaahay ka baryayaan inuu ka dul qaado Abaaraha Jira.
Mid ka mida dadkii goobtaasi yimi ayaa waxaa uu halkaasi ka dhiibay lacag gaaraysa Tobon kun oo Doolarka mareykanka ah oo uu ugu deeqay Dadka ay abaaraha ba'an haystaan ee Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Koonfurta Soomaaliya isaga oo diiday Ninkaasi in magaciisa la sheego oo uu Cadeeyey inuu sadaqo isagu u niyaysanayo aanu doonayn in la magacaabo.
Qaar ka mida Gobolada Dalka soomaaliya ayaa ka jira abaaaro Xoogan oo aafeyey Xoolahii iyo dadkii tan kaliyah ee looga baxi karaana ay tahay ilaahay oo loo laabto lagana baryo inuu masiibada ka dul qaado maadaama ay tahay Masiibo Rabaaniya.
Mustafa Nuur Ridil
Muqdisho